Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Naag Kun Bay Kolisaa Kowna Wey Ka Guursata .. Maxay Dumarku Uga Oohin Badan-yihiin Ragga?

Tuesday - December 6, 2022



Ogow wax walba waxay u noqonayaan abuurka ilaahay, says oo ay tahay bini'aadamka inuu wax baaro, waxna ogaado waa qayb ka mida ah dabcigiisa, markii la sameeyay cilmi_baaris waxa la arkay in ay dabcigooda ku samaysan tahay inay qiiroodaan, kadibna ilintu ka daadato.

Waayihii hore laga soo bilaabo raggu way ugaarsi tagi jireen, dumarkuna masuuliyadda caruurta ayay hayeen arinkaan oo uu sahlay haweenayda inay akhrisan-karto dhaqdhaqaaqa ilmaha iyo oohintooda iyo waxa ay rabaan, dumarku waxay leeyihiin baahi ka weyn tan ragga oo ah ku dhex jiridda bulshada ama la yeelashada xiriir nafsi ah , taasina waxay keentay inaysan hayn karin dareenkooda sidaasna ugu khasabtay in aysan awoodin oo celin karin ilinta.

Dadka culuumtan ku takhasusay wax ay leeyihiin dumarku waxay ku gaaraan heerka naxariista dhexdooda oo aad u sareysa .. oohintu waxay kicisaa dareenka qofka biniadamaka ah waxayna asal ahaan ka timaadaa cunugga yar oo raadinaya in uu helo feejignaanta hooyadii.

Baaritaan arintan la xiriirta oo ķa dhacay dalka jarmalka wax uu sheegay in dumarku inta badan ilmeeyaan marka ay ku fakiraan arin murugo leh ama marka laga horkeeno xaalad ku adag in ay ka dabaalato ama waxaba ka qaban-karin .

Meesha raggu inta badan ilmeeyaan marka uu badbaadin kari waayo xiriirka xaaskiisa iyo ilmihiisa ama marka uu dareemo " empathy"

Ka hor inta uusan qofka ibnu-adamku gaarin 13jir isku inbaa la ooyaa oo ragga iyo dumarku waa isku mid wixii intaa ka danbeeya dumarka ayaa oohinta ku badan .

Hadaba ma ogtahay in dumarka ay oohintu u fiicantahay oo hadii ay murugada la ooyi waydo ay caafimaadkeda wax wayn iska badalayaan lakin marka ay ooydo ay ka kala yaraanayso murugadu oo ay hiloobayso qayab ka mida murugada .