Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Nin Naftiisa Yaqaan Ayaa ILaahay Yaqaan .. Geesiyada Lagu Gardarooday Gar Culus Baa Geedka La Digay ..Waxay Faafiyen Hubsimo Lagama Tago ..Sacdiyo-Cadar Waa Loo Gafay Oo Tuhun Maran Soo Macaac Yiri

Sunday - December 11, 2022




Sideedaba Hadaad Umada Wax U heeg is-tiraahdo Waayi-meysid Dad Kaa Daba-qaata .. Warar xaqiiqa ah iyo war-xuuraan la helay ayaa tilmaamaya in wararki ka-talinta sharka ee laga faafiyey Sacdiyo Samantar u ahaa mid si dacaayad un loo furay isla markaana sidi duufaan weecsan loo fasiiray, balse u ahaa hadalo la tabceeyey oo inta la kordhiyey wax laga jaray dabadeed gabadha lagu nabay oo halkaas shakhsiyaad aan waxba haynin ayaa ku hor-booday si ay ku baxdana batrool ku afuufay 

Sida baaristu cadeysay amase iyada lafteedaba sheegtay marna may soo hadal qaadin Erey la xariira xeerka jinsiga oo Dhaqankeeda iyo Ruuxiyadeeda diineed lagu yiqiin ayaa diideysay, balse hadalkeeda wuxuu ku koobnaa dhacdooyinka Kufsiga gabdhaha oo malmahaas si xawli ah uga socotay Mogdisho oo si caadifad ah uga carootay, hasa-ahaate koleyba lama inkiri-karo qaabka il duufka ay afka dabeysha ugu dhigtay "wax u sharaxday" inu ahaa mid tuhun dhalin-kara waana tan keentay Saluug, Bamb Siyaasadeed iyo dhagihi oo ay Virus ku shubeen , maxaa yeelay waxay ahayed Sacdiyo Frimbi in warkeeda ay dadka damiinka Alif baratada ah far-waaweyn sida farta Shiinaha ee burushka loogu qoro ay sawir weyn ugu sunto oo halkaas ay ku qaras-baxaan, waxaase dhaliil ah dadka xaqiiqada iyo ula-jeedka Sacdiyo ogaa oo arinkaa ka aamusay.
Waa ka xumahay in Sacdiyo-Firimbi ay yoowga Yam-yamka buunka ka dhawaajiyaan, kuwaaso inti muddo ah booc ugu tukubayeen .. Sacdiyey Sababta lagu maagaayo waa baqashada dhaq-dhaqaaqaaga maalinta ay runta gaarto, Waa cabsida kuwa Waji ku macaashka ee dalqada indhaha ku leh 

Gari Xaq Ha Noqoto .. Waxaa maalin-ba maalinta ka dambeysa dibada u soo baxaya sida la cadeeyey amase jirtaba ma jirin qorshe xeer jinsi oo xiligaan barlamaanka la hor-keenay amase la keeni-lahaa-ba .. Xeerkaan meel marintiisa iyo af-duubkiisa laaluush waxaa horay u soo gudbiyey golihi wasaarada ee Xasan Kheyre waxaase ganafka ku dhuftay xubno xildhibaano ee baarlamaanki xiligaas jiray oo markaas ka hortagiisa ay hor-boodeysay Saxdiyo Firimbi waana taariikh la ogyahay ay dhigtay Sacdiyo oo buuga ugu taal, isla waqtigaasna Saxaafaduna ay arinkaa ka ciyaartay milgihi kaga beegnaa oo si wacan ugu gacan qabatay abaabulki Sacdiyo ay kaga hortagtay Maafiyadi il-xayiiga aan miriq-saneyn iyo Xeerki jinsiga ee baarlamaanka la hor keenay .. Sacdiyo Firimbi waa geesiyad dirir gali-karta doodna celin-karta, gacantana ka deqsi ah

Hadal Murti Ha Noqdo, Runina Mid Wax Daaweysa Ha Noqoto .. Qadiyadaan iyo sheekadaan burush ceebeedka lala doontay Sacdiyo iyo isku muujinta caydeeda,  waxaa loo baahan-yahay in loo yeesho fiiro dhumac weyn iyo si damiir iyo garaad ku dhisan wax loo hubsado, waayo bani'aadamka qaar baa dadka baacsada oo beenta aan ka dhargin intaa Bur weyn la wareegaaya .. Sacdiyo cayda iyo dacaayada loo diiqay ee dadka laga dhaadhiciyey ma aha dawgeeda, mana aha wax aan jirin gabadha in dusha loo saaro, mana ahayen in Qalin-duure Dube weyn la sokaco sey fajac u abuuraan, ma ahayen xaqna ma aha in inta dhinacyada laga galo dabadeed loo oodo habar-dugaag.

Hadaba beenta iyo qori is maris-nimadu waligeed socon-meyso ee taariikhda dib u raaca .. Waxaan idin leeyahay qofki isagu wax nabaya waa yeelkiis oo waa isaga iyo ilaahiis bey ka dhaxeysa, balse Runta barkeed balaa hor joogta oo been lug kaliya bey leedahay oo waxay si shaqeysa oo qura inta taan lugta keli ah la qaban .. Cala Ay Xaal Been iyo blah-blahba way isi soo gabeen hadal xumina jawaab ma leh waxaanse hadlkeyga ku khatimaya: Aqoonta ilaahiyada waxay tahay waa ta dadka kala hagta, ilaahna na-siiyey inaan kala garano xumaanta iyo wanaaga dambiga iyo kheyrka .. waxay diinteenu mar waliba ku baaqday in aan la is dulmin oo la sinaado, isla markaana waxaan soo jeedinaya in Bakhtiga la cunaayo ee siyaasadu gashay Biyo Zam-zam ha looga luq-luqdo oo karbaashka gardarada ah gabadha ha laga daayo 

Gabagabo, Rabow Adiga mooye ilaah kale ma jiro Ee Ebow islaanimada xoogee oo Rabow iilka Nagu dhawr oo ifka nagu xanaane .. Raboyow IL dabeecado naxariis leh nagu eeg ee Sacdiyey waxan ku leeyahay Bisinka iyo Ducada Alla bari oo aad gasho isku meeri si belaayada iyo casaabada meereysa kaaga beyrto Ee Aamiin Aamiin 

Tifaftiraha Wargeyska Galdogob Times: Mohamed Alihashi " Ina Cadaawe"



hits Hits : 1833