Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ciyaartooydi Madoobeyd Ee Farance Oo Si Cunsurnimo Ah Loo Aflagaadeeyey .. Ciyaar-yahanki Ugu Ficana Ee Kylin Mbappe Oo Qiray Iney Noqdeen Awr-kiraale Lagu Shaqeystay Balse U Dalkisa Dib Ugu Laabanayo

Wednesday - December 21, 2022


Tan iyo habeenkii ay koobka Paris keeni waayeen, ciyaartoydii madoobayd ee Faransiiska u ciyaaraysay, waxa ku socotay caydii iyo cunsuriyaddii ay Yurub caanka ku ahayd, gaar ahaan Faransiis. Saddexdaas ciyaartoy ayay lee yihiin: "Maxaad Paris koobka u keeni waydeen, oo aad rigoorihii iyo fursaddii u danbaysay u dhalin waydeen"

Ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Kylian Mbappe ayaa isaga oo ka murugaysan waxa isaga iyo saaxiibbadii lagu hayo, warbaahinta la hadlay, oo xaqiiqada hortaalla rumaystay. Hadalkiisa waxa ka mid ahaa:
"Waan ka xumahay taageerayaashu marka aannu guulaysanno jidadka inta ay usoo baxaan ayay na ammaanaan oo yidhaadan; France ayaa guulaystay, ha noolaado France, guul ayaad u keenteen France, balse haddii aannu guuldarraysano gidigood wax ay ku dhawaaqan Afrikaankii ayaa na jebiyay, oo si xun noo galay. Soo galootigii bilaa sharciga ahaa ayaa halkaas na dhigay! Qaar ka mid ah heer bay marayaan ay yidhahdaan;  ku noqda kayntii iyo saxarihii aad ka timaaddeen, si aad u cuntaan caleenta dhirta qalashay una cabtaan dhiiqada baliyada. Ma istaahishaan in la idin wayneeyo iyo guusha! Waxa aad ku noolaydeen oo weli ku sugan tihiin, meel liidata."

Ciyaartoy Kylian Mbappe, wax uu si ciilkaambi ah u yiri: "Waa wax laga xumaado in hadalkaas aannu maqalo, waanu-se u qalannaa waxaas oo dhan! Waayo aannu ka door bidnay dalkayagii in aannu ku noolaano qurbe! Waana abaalka marka aad dalkaaga ka fogaatid. Runtii wax aan ka fekerayaa in aan ka fariisto xulka oo aan ku laabto dalkaygii. Aabbahay asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa Cameron! Aniguna waxa aan doonaya in aan u ciyaaro xulka dalkayga Cameron, waana arrin aan si dhab ah uga fekeri doono.”