Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Raiisal wasaarha Ingiriiska David Cameron Oo Galay Todobaadkii Ugu Xuma Siyaasada Ee Abid Soo Marta

Sunday - April 10, 2016



London- Raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa galay todobaadkii ugu xumaa siyaasada ee abid soo mara, waxaana sii kordhaya dibad baxyada iyo kacdoonada ka dhanka ah ee inuu is casilo lagaga dalbanayo, kuwaas oo albaabka xafiiskiisa Downing Street ka bilaabmay si toos ahna dhegihiisa u soo gaadhaya.
fadeexadaha sirta Panama ee dhawaan la baahiyay iyo musuq maasuqa cashuur la baxsiga ee shirkada aabihii ku eedaysan tahay, waxa sida la saadaalinayo uu qarka u saaran yahay inuu is casilo oo uu noqdo raysal wasaarihii labaad ee midowga Yurub ka tirsan ee fadeexada Panama galaafato.