Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xog Mooge Xaajo Waa Dila .. Madaxweyne Xasan Shiikh Umaddi Wada Gama'saneyd Kakaca Yiri .. Xasan Oo Boqday Ciidamadi Laga Keenay Eritrea

Monday - January 2, 2023



Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea .. Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa faray in sida ugu dhaqsaha badan ugu diyaar garoobaan ka qayb-galka dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Xasan ayaa sheegay in howl-galka cusub ee deegaanada dhiman lagu xoreyn la rabo in uu ka deg deg bato kuwii hore ee lagu xoreeyay qeybo kamid ah dalka .. wuxuu yiri “Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro," 

Sidoo kale waxa uu Xasan la wadaagay ciidamadaan rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gaba-gabada maraya ee dalka looga ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab .. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.