Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Aboorku Inta Aanu Kugu Tufin Ayaa Lagu Tufa .. Fahad Yaasiin Oo Go'aan Ka Qaatay Doorashada Ku Celiska Kursiga Beeshiisa

Tuesday - January 3, 2023




Sida ay sheegeen macluumaad hoose waxaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir la sheegay inuusan utartami doonin doorashada ku celiska ah ee kursiga beeshiisa.

Guddiga KMG ah ee maanta Ra’iisul Wasaaraha magacaabay ayaa waxay qaban doonaan kuraasta banaan ee doorashadooda dhaceyso xildhibaanimada golaha shacabka soomaaliya.

Kursiga Beesha reer Aw xasan oo ah Hop#086 ayaa lasoo warinayaa in loo xiray ama lasiin doono Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo hore xildhibaan usoo ahaa beesha.

Fahad Yaasiin ayaa dad ka ag dhaw waxay sheegeen inuu ka tanaasulay dib udoorashada lasameenayo kursigii uu kusoo baxay 20-kii Febraayo sanadkii hore doorashadii ka dhacday Beled weyne balse lagu tilmaamay in doorasho sharci daro aheyd qaabka loo maray.

Agaasimihii hore ee Nabad Sugida Soomaaliya oo hadda kusugan Dalka Qatar ayaa lasoo wariyey inuu ka war helay qorshaha cusub ee Villa Soomaaliya oo ah in Faarax Sheekh C.qaadir lasiiyey kursiga.

Inkastoo wax walbo ay isbadeli karaan kolka ay soo dhawaato qabashada kursiga beesha ayaa hadana yadadiilada la qabo ay tahay in Fahad uusan tartanka doorashada ku celiska ah ka qeyb geli doonin.

Dhinaca kale kuraas kale oo ka banaan Golaha shacabka ayaa iyaguna la qaban doonaa doorashadooda oo laga sugayo inay soo mudeeyaan xilliga la qabanayo doorashadaasi,oo isha lagu wada hayo hufnaantooda.