Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Khawaarijtu Madax Gumac Galay Leedahay Ee Madax Hadal Galo Ma Laha .. Khawaarijti Waxay Kaadi Seyriyaan-ba Oo Markaan La Timi Qorsho Wada Hadal Iyo Sarbeeb Waqti Kale Lagu Cimri Dheereysto

Saturday - January 7, 2023



Caqiidadi kooxdi argagixisada Al- Shabaab ee ahayed Talo qori saaran iyo tumaati dilka bulshada sokeeye ayaa hadda u muuqda kuwa raba iney la galaan dawlada wadahadal nabadeed, taaso ka tarjumeysa in ay cawradoodi awood maanta si daciifnimo ah banaanka soo dhigaan .. Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdi fataax ayaa daboolka ka qaaday warar baryahaan-ba bulshadu isla dhex mareysay taaso lagu sheegaayo in hogaamiyaal Khawaarijta ay soo codsadeen shurud ah in dawlada ay si cad warbaahinta ugu sheegto in dambi dhaaf loo fidiyo, hasa ahaate warkaas wixii ka jiraba maanta ayaa wasiir Cabdi Fataax daboolka ka qaaday oo sidaan warkiisa ku sheegay :

"Al-Shabaab ayaa soo codsaday wadahadal, Khawaarijta waa laba nooc, kuwa waa ajaanib, kuwana waa kuwa dalkaan u dhashay oo ayaga fursad waa leeyihiin, laakiin kuwa duulaanka ku yimid dalkaan wax wadahadal ah majiro ee waa in dalka iskaga tagaan, Kuwa dalka u dhashay xili kasta haddii ay isa soo dhiibaan diyaar ayaa loo yahay, laakiin wax lagula gorgortamo meesha ma yaalan, waa in ay dowladnimada raacan oo isku soo dhiibaan, oo shacabkooda dib ugu laabtan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdifataax Qaasim.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay fulinta amarkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa ciribyirka kooxda Al-shabaab, isagoona tilmaamay in haatan ay kooxdu bilaawday dalabyo la xariira wadahal.