Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Qodobada La Isku Mari La'yahay Shirka Madasha Iyo Shirka Oo La Filaayo Inu U Wareego Dhinaca Xalane Iyo Beesha Caalamka

Sunday - April 10, 2016



Mogdisho- Wariyaasha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo tabinaaya in wada hadaladii maanta duhurkii u bilowday Madaxda Siyaasadda ee Soomaaliya ay ilaa hadda socdaan, qodobada qaarkoodna aad layskugu diiday oo dood badan ka taagan tahay.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka & Ra’iisulwasaarihiisa ayaa la sheegay in ay soo jeediyeen qorshe cusub oo ah in waxyaabihii laga wada hadlay oo dhan la horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya, taas oo aan horey uga mid aheyn waxyaabihii loo qorsheeyey in madashan looga wada hadlo.

Qodobada hadda laysku mari la’ayahay ayaa kala ah.
1- In go’aanka ka soo baxa golaha madasha Qaran la hor geeyo Baarlamaanka dawladda Faderaalka si ay u meelmariyaan.
2- In heshiiskii Garoowe lagu gaaray 3-dii bishan uu yahay mid hareermaray Sharciyadda Baarlamaanka, ayna lagama maarmaan tahay in ay meelmar ka dhigaan baarlamaanku.
3- In Guddiga doorashooyinka Qaranka looga danbeeyo hab maamuuska iyo maamulka doorashooyinka 2016.
4- In aan wax ka bedel lagu sameyn karin go’aankii ay ku ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya guddiyada Heer Faderaal, gaar ahaana guddiga Doorashooyinka oo ay DFS & Puntland ku heshiiyeen in dibu eegis lagu sameeyo.
5- In Odayaasha Dhaqanka looga dambeeyo soo xulida xubnaha baarlamaanka cusub Iyo qodobo kale oo qeyb ka ah xaaladda Doorashada Soomaaliya.

Dhinaca kale warar hoose oo la helay waxay xaqiijinayaan in Ergada Beesha Caalamku ay ku soo biirayaan wada hadaladan, oo markii hore ahaa in ay Soomaalida oo kaliya tashadaan sidii marar hore ay kaligood u kulmeen.

Dooddii iyo ismari-waagi maanta ayaa keentay in ay arrintan u gudubto Beesha Caalamka oo hadda door weyn ka qaadan-doonto shirka berri subax furmaya, waxaana la og yahay in ay dhinacyadu kala taagan yihiin mawqifyo ad adag.