Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jimce Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Ducadi Nabi Maxamed CSW Ku Dhaartay In Laga Aqbalaayo Mu'min Kasta

Thursday - January 12, 2023


Ducadii Nabi Maxamed CSW Ku Dhaartay In Laga Aqbalayo Mu’umin Kasta Oo Ku Ducaysta
Ducadani .. Waa ducaduu Nabigeenu Nabad Galyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee ku dhaartay in aanuu qof Mu’min ahi ku ducaysan ducadan hadii uu ku ducaystayna Allah Weyn waxa uu ka dul qaaday wixii uu ka cabanayay.

Nabiga ayaa yiri: Walaalahayga muslimiinta ahow ducadan qayba oo ku ducaysta uguna duceeya cid kaste oo aad jeceshi-hiin. Waayo tiro ma laha inta qof ee Allah uu dhibkii haystay ka dul qaaday kadib mrkii ay ku ducaysteen ducdan qiimaha badan, kadibna u furay Albaabbada Naxariista.

Nabigeena CSW ayaa yiri:  Ducadan nabi Yunus Nabad-galyo korkiisa ha ahaatee markii uu ku dhex jiray caloosha Nibiriga, Kadibna Allah Weyn ku yiri: Waanu Ka Aqbalnay Waxaana Ka Badbaadinay Mugdigi Madoobaa , Sidaas Ayaanu Kuwa iimaanka Laga Helay u Badbaadinaa.

Side nabigeena Maxamed CSW U Sheegay: Ducadan ayaaa ah mid uu ku ducaysan karo qof kaste oo iimaan laga helay. Ma rabtaa xoolo? Ma rabtaa guur? Ma rabtaa in lagaa suuliyo dhibka iyo culayska ku saran? Ma rabtaa in lagaa dul qaado xanuunka ku haya? Ma rabtaa inaad shaqo heshid? Ma rabtaa inaad liibaantid aduun iyo aakhiroba? Fadlan ducadan qiimaha badan ku ducayso gaar ahaan marka habeenka 3-Meelood laba meelood tagaan.

Ducadana iyado af somali u turjuman waa sidaan "Ilaah xaq lagu caabudaa ma jiro adiga mooyaane, Subxanaka waxaan ka mid ahaa kuwa daalimiinta ah .. ilaah xaq lagu caabudaa ma jiro adiga mooyaane, Subxanaka waxaan ka mid ahaa kuwa daalimiinta ah.

Akhristow, Ha nagala bakhaylina inaad noo soo ducaysaan anagana