Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Rag Walaalow Wuxuu Ku Dhaamo La Waa .. Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Gaaray Baydhabo Si U Uga Qayb Galo Gogogsha Dibu-heshiisinta Ee Taal Baydhabo

Monday - January 16, 2023



Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed .. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, oo lagu wado in maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in madaxweynaha u tagay Baydhabo xaqiijinta Koonfur Galbeed heshiis ah, taasi oo ka dhigan in shirka berri xal kama dambeys ah looga gaari doono xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur "Aadan Madoobe" si loo xaqiijiyo Koonfur Galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur Galbeed waxa uu xooga saari doonaa sidii loo dardar-gelin lahaa xoreynta deegaanada maamulkaasi, ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howl-galka ATMIS ay amniga sugayaan, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka.

Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kormeeray xarunta shirarka iyo meelaha ay dagayaan martida.

Sheekh Aadan Madoobe oo isagu dhigay gogosha shirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si uu u diyaaro shirkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa muddo wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhaxeyso madaxtooyada iyo xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga Lafta-gareen.