Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Warkii Ugu Dambeeyey Ee Kulanka Hogaamiyaasha Somaliya Iyo Beesha Caalamka

Monday - April 11, 2016

Wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay kulanka u socda Madaxda Siyaasadda ee Soomaaliya & Beesha Caalamka ayaa sheegaya in uu ilaa barqadii uu socdey shir gaar ah oo dhexmaray Madaxda Soomaalida & Ergada Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Wakiilka QM ee Soomaaliya.

Kulamadan ayaa ka dhacayey Xerada Xalane ee ay amaankeeda sugaan ciidamada Reer galbeedka, waxaana adag in xog dheeraad ah laga helo shirarkan, maadaama aysan haba yaraatee jirin cid madaxda sare ku wehelisa shirarkan.

Shirarkan ayaa ah kuwa xasaasi ah, weyna ka duwan yihiin kuwii dhacayey ilaa shalay oo aan is afgarad weyn laga gaarin, waxaana maanta dooda ugu badan ka taagan tahay yaa soo xulaya baarlamaanka cusub, taas oo horey loogu qeexay Heshiiskii Garoowe.

Halka lagu qabanayo Doorashaddan, Guddiga Doorashada iyo arrimo kale oo xasaasi ah ayaa falanqeyn dheer lagu sameynayaa, waxaana la xaqiijiyey in ay Beesha Caalamku soo bandhigtay Jadwal cusub oo doorashada ku saabsan, taas oo aysan waxba ka ogeyn Madaxda Siyaasadda ee Soomaaliya.