Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Atoor Intiisu Guun Ku Yahay .. Prof. Axmed Cabdi Muuse " Abyan" Oo Saakaba Qiray Inu Iminka Bulshadiisi Laascaanood Dib Ugu Noqday

Wednesday - January 18, 2023



Hargeysa- Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan) ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Ururka Barwaaqo ee uu Hoggaamiyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, wuxuuna sidaa ka sheegay mar uu manta kusoo laabtay dalka, isagoo kasoo degey garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa Egal Intarnational Airport.

Prof. Abyan oo warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa, wuxuu sabab uga dhigay inuu iska casilo xilkaa xaaladda ka taagan gobolka Sool ee uu ka soo jeedo, isagoo si weyn ugu dhaliilay xukuumadda in aannay waxba ka qaban intii annay arrintu gaarin halka ay maanta taagan tahay,

Wuxuu sheegay inuu safar ku maqnaa muddo, isla markaana soo maray dhawr dal, balse arrinta uu isku casilay ay tahay si uu shaqsiyan fursad ugu helo arrimaha ka taagan Laascaanood, isagoo xusay in uu doonayo in aannay saamayn ku yeelan arrimaha uu ka hadlayaa, ama loo nisbayn Urur Siyaasadeedka uu ka tirsnaa ee Barwaaqo, sidaana ay tahay sababta ugu weyn ee xilka uu isaga casilay.