Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Jimce Wanaagsan Jimce Barakeysan .. Maalinta Jimcada Waa Maalin Fadli Badan Oo Hadaad Ka Tagtaan Salaada Jimce Alle Wuxuu Kaa Dabooli-doona Quluubta

Thursday - January 19, 2023



Jumcaha waa Maalin Fadli badan waayo waa Ciidda Muslimiinta, waa maalin ay Muslimiintu ku kulmaan Masaajidka iyagoo ka kala yimi meelo kala fog, si ay u dhagaystaan Xuska Alle iyo Wacdiga Imaamka .. Qofka Muslimka ah haduusan dhageysan wacdi muddo dheer qalbigaa mirira, marka xigana ka Awdma (ka Xirma) Kheyrka, Nabiga CSW, wuxuu yiri:-Ragga haddii eeyan ka joogin ka tegidda ay ka tegayaan Salaadaha Jimcooyinka Ilaahay wuxuu ka dabooli doonaa quluubta, ka dibna waxay noqonayaan kuwo Kheyrka Hilmaansan.

Jimcadu waxay ka mid tahay xilliyada Samaddu Furan tahay oo hadduu addoonku ducaysto Ilaahay SW, ka aqbalaayo ducada Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Maalin ay qorraxi u soo baxdo waxaa u kheyr badan maalinta Jimce, waayo waa maalintii la abuuray Nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay, waana maalintii xageeda laga soo bixiyay, qiyaamaduna dhici mayso maalin aan Jimco aheyn.

Sidaa awgeed Allaah SW, wuxuu noo dardaarmay in loo degdego salaadda jimce marka laysugu yeero wuxuuna yiri:- Kuwa Alle iyo xaqa rumeeyow marka la adimo Salaadda Jimce u degdega Xuska Alle, kana taga wax kala Iibsiga, saasaana idiin kheyr roon haddaad tihiin kuwo wax Garanaaya.

Haddaba waxaa Habboon in loo darbado Jimcaha oo qofka Muslimka ah uu Qubeysto oo Weyso qaato, Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Qof kasta oo Muslim ah waxaa ku Waajibay inuu Qubeysto Maalinta Jimcaha iyo inuu ku Labisto Dharkiisa kuwa ugu Wanaagsan, iyo inuu Iscarfiyo hadduu heli karo.

Maadaama jimcaha loogu talagalay in dadka la Wacdiyo, lana Waaniyo waxaa Waajib ah in la Dhageysto Khudbada Imaamka, mana Banaana in la Hadlo ama la Buuqo intey Khudbadu socoto Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Jimcaha markuu Imaamka khudbeynayo, haddaad Saaxiibkaa ku tiraahdo: Aamus! Hadalkaagu waa mid Micno Darro ah .. Hadduuse Qof qaldamo oo uu hadlo ama buuqo waxaa Waajib ah in laga aamuso intey khudbadu socoto, ka dibna si Xigmad leh loogu Sheego.