Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Shiikhow Hadalka Qarda-jeexa Aad Ku Jibaaxeyso Jooji Ee Inta Haruubka Ku Hartay Anaa Iska Leh .. Hadal Haynta Taliyaha Cusub Ee Boliska

Thursday - January 26, 2023


Waxaa si weyn looga fal-celiyay kulankii Golaha Wasiirada ee maanta kaa oo lagu magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla-markaana xilka looga qaaday Taliye Xijaar oo ka midka ahaa dadka aadka ugu dhaw Farmaajo, isla markaana ku beer-laxaawsan jiray Abtinimo

Waxaa taliyaha Booliska loo magacaabay General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed kaa oo ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha Xukuumadda Ra’isul Wssaare Xamse Barre.

Hadal heynta ugu badan ee sida weyn looga falceliyay ayaa ah in Ra’isul Wasaare Xamse iyo Taliyaha la magacaabay ee Sulub ay degaan ahaan ka soo wada jeedaan dhulka dawladad degaanka somali itoobiya .. Jeneral Sulub degaan ahaan waa reer Qabri Bayax .. beeshiisa waa Jidwaaq ( Abasguul) balse ay wada wadaagaan Absame -Kumade Kablalax Daarood

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha uu hareer maray arrintii aheyd in dalka uu yahay awood qeybsi iyadoo sidan oo kale waligeed aysan horay u dhicin, walow madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Xoogga Dalka General Yuusuf Odawaa iney isla yihiin (Hawiye) iyo waliba Abgaal, inkastoo Odawaa uu horay u magacaabay Farmaajo.