Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Cudurka Xinjirowga Lugaha Gala (deep vein thrombosis) By Dr. Abdulaahi M. Mahdi
Monday - April 11, 2016
Waa maxay cudurka xinjirowga DVT?
DVT waa cudur laga soo gaabiyaya "Deep Vein Thrombosis", waa xinjir dhiig oo ku samaysanta xididada dhiigga dhexdiisa. Waxay had iyo jeer ku samaysantaa lugaha ama gacmaha, sabatoo ah qulqulka dhiigga maraya oo gaabinaya.
Guntankaa dhiiggu wuxuu joojin karaa socodka dhiigga barkii ama dhammaantiisba. Waxay kaloo xinjirta u gudbi kartaa ilaa sanbabada oo ay markaa keento khatar culus.
Yaa khatar ugu sugan?
Haddii aad mid ka mid ah leedahay astaamahan, khatar baad u tahay xanuunka DVT:
• Wadno xanuun
• Uur aad leedahay ama aad Umul aad tahay
• Aad shilis tahay xad-dhaaf
• Dhiig la’dahay
• Beer xanuun leedahay
• Muddo badan aad sariir yaal ahayd oo aadan socsocon
• Dhaawac shil kaasoo gaaray ama aad jajabtay
• Shil gashay yareeyey dhaqdhaqaaqa lugahaaga
Dawooyinka qaarkood ama is dawaynta qaarkeed waxay ku galin karaan khatar.
Calaamadaha DVT
Dhakhtarkaaga si dhaqso ah ula hadal ama u tag goobta caafimaadka degdegga ah ee kugu dhow haddi:
• Meelo jilicsan oo casaan ah oo diis-diismaya oo ku yaalla lugahaaga, gacmahaaga amase laabtaada aad aragtid.
• Suuxsanaan ama kabuubyo lugaha, gacmaha amase laabta.
• Xanuun xad-dhaaf ah oo lugaha, gamacaha ama laabta ah.
• Xummad ama gariir.
Tag goobta caafimaadka degdegga ah ee kuugu dhow haddii aad leedahay:
• Neefta oo ku qabata, neeftoo kugu adag ama xanuun laabta ah
Ha duugin (ha riix-riixin) lug ama gacan ku xanuuntay.Sidee looga hortagaa DVT
• Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu kuu geliyo sharabaaddo ku caawiya. Sharabadaadasi waxay kaa caawiyaan in dhiiggaagu wareego oo aanu yeelan xinjiro samaysma.
Iska saar sharabaadada maalin kasta 10-30 daqiiqo. Hubi in lugahaagu ay leeyihiin meelo casaaday, amase nabarro.
Waydii adeegahaaga ama kalkaalisada caafimaad sida loo xiro sharabaadada, si aanada isugu giijinin.
Kareem baa laga yaabaa inaad marsatid haddii luguhu ku qallalaan.
Waa inaad haystaa ugu yaraan laba xabo oo sharabaada ah, si markaad mid xiran tahay ka kale u nadiifsato oo uu diyaar kuugu ahaado.
• Soco oo lugee maalin kasta si lugahaaga iyo gacmuhu u dhaqdhaqaaqaan oo dhiiggu si fiican ugu socdo jirkaaga.
Dhakhtarkaaga ama kalkaaliyahaya waydii jimicsiga kugu habboon.
• Iska ilaali inaad fadhido ama aad u jiifto dhinac kaliya waqti dheer. Ha ku fariisan lugahaaga oo iswaydaarsan, amase jilbaha oo aad culuys badan
saarto. Haddii lugahaagu ay u muuqdaan qaar bararsan, sare u qaad markaad fadhido.
• Iska ilaali inaad sigaar cabto, gaar ahaan haddii aad qaadanayso kiniinka ilmo-kala dheeraysiinta.
• Cab 8 galaas oo cabitaan ah maalintii, haddii aan cabitaanka badan lagaa joojinin.
Daawaynta
DVT waxa sida caadiga ah lagu daweeyaa dawo dhiigga jilcisa. Dawadaas waxaa laguu siin karaa:
• Xididka oo lagaa siiyo (sayloon) IV (intravenous) – Waxaad joogi doontaa isbitaalka inta ay dawadu kuu socoto.
• Caloosha oo lagaa mudo – Haddii aad u baahan tahay muditaan, waxaa lagu bari doonaa sida loo sameeyo.
• Kiniini – Kiniinkaaga u qaado sida dhakhtarku kuugu qoray. La hadal dhakhatarkaaga haddii uu kaa yimaaddo dhiig aan caadi ahayn, amase kaadidaada ama saxaradu dhiig yeeshaan ama madoobaadaan, amase haddaad bararto.
Waxaad u baahnaan kartaa baadhitaan dhiig lagaaga qaado shaybaarka amase dhakhtarka xafiiskiisa inta dawadu kuu socoto. Waa inaad raacdaa jadwalka dhakhtarkaaga
Waxaa diyaariyey takhtar ku takhasusay Cudurada Faafa Dr. Cabdullaahi M Mahadi
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story