Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Kaligaa Waalo Wareer Weeye Ha Lagula Waasho Wanaag Weeye .. Muxuu Yahay Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Madaxweyne Bixi Iyo Taliyihiisa Jeneral Micno Yare Nuux Taani?

Sunday - January 29, 2023



Warar lagu kalsoonaan-karo oo laga helay dhinaca Hargeysa ayaa la xaqiijinaya in khilaaf u soo kala dhex galay Madaxweyne Muuse Bixi oo xaalkiisu hadda noqday Nin qoyani biyo iskama dhawro iyo taliyihiisa ciidamada Somaliland jeneral Micno yare Nuux Taanai .. khilaafkaas wuxuu yimi kadib marki si laab-lakaca Muuse bixiyey u ku amray jeneraalkaas inu si weerar gaadmo ah gogosha dhulbahante ee taala laascaanod Taraq ku daaro amase laga ciideeyo "dagaal" hasa ahaate waxaa arintaa siyaabo kala duwan isagoo sababeynaaya waxaa uga horyimi jeneral Taani oo yiri: haddi talaabadaas aan si deg dega ah ku qaadno waxaa nagu dhici-kara tacab khasaaro iyo fashal, balse jeneraalku wuxuu ku taliye in loo gabado la sugo wax-yaabaha garta lagu heli-karo iyo qaabka go'aankooda sidey u sharxaan, oo haddi ay ku dhawaaqaan ayuu yiri Xumaan iyo madax-banaani markaas aan weerar ku qaadno .. Jeneraalka ayaa doodiisa ku xusay in Dhubahante ay yihiin Reer dagaal Jecel

Wararka ayaa sido kale sheegaya in maal-mahaanba ciidamo loo qoraayo dhul-jiifyadi, Tuugti iyo burcadi oo darajo iyo mushaar lagu qaatay, kuwaaso la doonaayo iney nabadgalyo ku soo celiyaan degaanda Sool iyo Sanaag, kadibna waa sida ay sheegeene Reer Dhulbahante helaan nabadgalyo, xasilooni iyo maamul hoos yimaada Jamhuuriyada Somaliland .. 

Dhinaca kale waxaa na soo gaaraya warar sheegaaya in waxgarad iyo aqoonyahan ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulan ku lahaa magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya .. Kulankaas ayaa ku saabsan sidii beeshaasi ay iskugu iman-lahayd shir ay kaga tashanayso aayaheeda, maadaama shacabka deegaanadaasi ay tabasho ka qabaan xukuumada Muuse Biixi, laakiin sida xogta lagu helay weli lama shaacain halka shirkaasi ka qabsoomi-doono.

 Shirkan ay qaban qaabinayaan Beesha Samaroon ayaa ku soo aadaya xili Beesha Dhulbahante uu shir ay beeshaasi aayaheeda kaga tashanaysaa uga socdo magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

Warka Isku soo wada duuboo, haddii culayska hada ay beesha Dhulbahante saartay Xukuumada Muuse Biixi ay ugu darsanto Tabasho ka soo yeerta beesha Samaroon, saamayn intee leeg ayay ku yeelan kartaa xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwaynaha wakhti xileedkiisii dhamaaday ee Muuse Biixi?