Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Iska Hadal Ma Fiicna Iyo Hadhow Saa Anaa iriye .. Korneyl Bixii Albaab Aan La Garaacin Bu Tumaya Oo Kala Tage Isaga Iyo Reer Laascaanood

Monday - January 30, 2023



Hargyesa-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shirka Garaadada uga socda Magaalada Laascaanood oo si weyn looga hadalhayo Somaliland iyo meelo kale, wuxuuna tilmaamay xukuumad ahaan waxa ay ka filayaan inay ka soo baxaan shirka oo maalintii saddexaad galay.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sidoo kale ka hadlay tabashooyinka dadka deegaanka iyo dhacdooyinkii dilalka ahaa ee huriyay kacdoonka shacabka Laascaanood, isagoo si cad u sheegay in dilalka ka socday gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood ay ahaayeen kuwo ay kooxaha argagixisadu ku khalkhalinayeen nabadgelyada iyo amniga, isla markaana wuxuu ku tilmaamay in dhammaan dilalkaasi ahaayeen kuwo la doonayay in lagu wiiqo amniga iyo qaranimada Somaliland.

” Dadka Reer Laascaanood way garanaayan dawladnimada oo taariikh ku leh dalkan, mana filayno in shir nabadeed oo intaas oo garaad iyo madax-dhaqameed isugu yimaadeen inay ka soo baxaan wax dhibaato ku ah qaranka iyo nabadgelyada.” ayuu yiri, waxaan ka filaynaa wixii ka soo bixi jiray shirarka sidan oo kale ah, ayuu raaciyay.”

Korneyl Bixi ayaa sida kale carabka ku dhuftay “Dhalinyarada iyo dadka mudaharaadka wadaa umma wadaan xumaan dad-kooda iyo dalkooda Somaliland, waxaa dheggahooda laga buuxiyay oo dhibaatada ugu weyn abuuray Argagixisada caalamiga ah oo muddo Toban sannadood ah ku dishay 40 qof oo haldoorkii Somaliland oo ahaa kuwii dawladda u shaqaynayay iyo kuwa taageera, waxay abuurayeen nacayb ah waxa dishay dawladda si ay u burburiyaan nidaamka dawladda ee dhisan, waxayna usoo gashanayeen marba shaar.” ayuu yiri Madaxweyne Biixi, isagoo waxba kama jiraan ka dhigay warar uu sheegay inay yihiin kuwo been ah oo la leeyahay dawladda Somaliland ayaa dishay dadkaa, “Dadka waxaa rumaystay waxaan leenahay xaqiiqda suga”

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay dhegeystaan shacbigooda, sidaa awgeed ay qaadanaayan oo diyaar u yihiin wixii gar loogu leeyahay iyo wixii tabasho ah ee kasoo baxa shirkaa ..  Madaxweyne Biixi, wuxuu kaloo ka hadlay dhawaaqyadii lagu dalbanayay in ciidamada laga saaro  taaso oo uga jawaabay "Maya ciidamadayada Laascaanod kama baxayaan "