Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Waa Taas Somaliya Futo Dameer Gashay .. Wasiir C/Qaadir M. Nuur Oo Soo Saxiixay Heshiis Somaliya Ka Dhigaya Meel Imaaraadka U Soo Xaar Tagaan .. Heshiiska Haddi U Hirgalo Somaliya Waa Dhuun-Yeerisay

Wednesday - Feb 1, 2023




Mogdisho- Iyadoo Golaha Wasiirada xukumada Somaliya ayaa caawa ansixiyey sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo Sharciga Socdaalka iyo heshiiska Iskaashi Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda, hasa-ahaate waxay dib u celiyay heshiiska Iskaashi Amni oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo dhowaan u soo saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur, heshiskaas oo marki la akhriyey ayaan daradiisa lala tacajubay, balse qodobadiisa haddi la meel mariyo somaliya ay dhooqo dhex baraaqsaneyso .. 

Qaar ka mid ah Wasiirada ayaa dood ka keenay Heshiiskan qariban, iyagoo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay in lagu celiyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, si ay uga soo tala bixiyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur ayaa aad ugu ololeynayay in heshiiskan Goluhu ansixiyaan, balse si guud ayay Golaha Wasiirada uga soo horjeesteen.

Waa markii u horreysay Golaha Wasiirada ay diidaan heshiis dal lala galay oo la horjeeno Golaha, tan iyo inta ay jirto Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse, iyadoo ay dhif iyo naadir aheyd in dowladdii hore ay Golaha ama Baarlamaanka hor-keento heshiisyo ama iskaashi lala soo galay dalal kale.

Sida la carbaabay heshiiskaan wasiirka Gaashandhiga soo bandhigay waxay u muuqata mid qaranimadi somaliya gacanta loo galiyey Imaaraadka Carabta