Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 8 May 2024

Jimca Wanaagsan Jimaca Barakeysan .. Hooyo Qabrigeedi Si Joogta Ah U Carfa .. Waa Hadiyad Eebe U Gartay

Thursday - Feb 2, 2023



Waxaa maalin maalmaha ka mida Geeriyootay haweenay wanaag badan oo cibaadada Alle si joogta ah
ku dadaasha, kadib markii ay dhimatay oo la Aasay waxaa cid kasta oo qabrigeeda soo agmarta waxa ay dareemi jirtay Udug aad u Carfoon, dadkii ayaa la yaabay udgoonka ka soo baxaaya Qabriga

Haweentaasi, markii sheekadii magaaladii iyo wadankiiba wada gaartay ayaa arinkeeda la raad guray oo loo yimid Ninkii haweenayda qabay, kadib waxaa la weydiiyey wixii ay nolosheeda sameen jirtay xaaskiisa? .. Ninkii waxa uu ku Jawaabay oo yiri waxa ay akhrisan jirtay Surat Al Mulk (Tabaarak) habeen kasta ka hor inta aysan Seexan. 

Hadaba Rasuulka Alle SCW wuxuu yiri: "Hal suurat quraanka ku jirta, oo Sodon aayadood ah, saaxiibkeed way u shafeeco-qaadaa maalinta qiyaame, ilaa shafeecadeeda laga aqbalo, suuradaasna waa "Tabark" 

Akhristow Qabriga iyo qiyaamaha ma qoladaadaa qaboojin-doonta, ma iilkay ku raacin oo aakhirey Naarta ka afuufi .. Aakhiro side layeelin

Waxaa kalo rasuulka CSW laga xigtay, wuxuu sheegayaa Qur'anka waxaa ka mid ah Suurat ciddii akhrisata ay ka badbaadi doonto Cadaabta Qabriga .. marka akhristow walaal mar kasta ku dadaal inaad habeen kasta inta aadan Seexan Aqrisatid Surat Al Mulk (Tabaarak)