Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waxaa La yiri Meesha ILaahay Wax Ka Wado Dameeraha Baa Weylo Dhala .. Heshiiski Baydhabo Ee Aayo Ka Tashiga Iyo Qodobo Loo Hoos Galiyey Laftagareen

Sunday - Feb 5, 2023





Heshiiskii laga gaaray khilaafkii Doorashada Maamulka K/Galbeed iyo khilaafkii ka taagnaa muddo xileedka Madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Nuxurka heshiiska ayaa noqday in Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen loo ogolaaday muddo kororsigii Sanadka ahaa ee uu doonayey, isla markaana waxaa hal mar laga dhigay Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka maamulka K/Galbeed oo loo asteeyay inay dhacan Novembar 2023 iyo Janaayo 2024.

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen oo guusha xilliga dhow ka gaaray heshiiskan ayaa iyadoo aan lagu heysan sii maamuli doona K/Galbeed muddo 10 bilood ah, balse wuxuu isna u muuqdaa inuusan rajo kale ka qaban kursiga uu sanadki Shanaad ku fadhiyo.

Qodobka ugu weyn ee C/casiis Lafta-gareen ogolaaday, waa kan labaad ee Caddeynaya inuusan wax kaalin ah ku yeelan doonin Doorashada Madaxweynaha K/Galbeedee dhaceysa Janaayo 2024, wuxuuna u qoran yahay sida soo socota:

"Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey Dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan"


Dowladda Federaalka ayaa si toos ah u maamuli doonta doorashada Maamulka K/Galbeed, wuxuuna qodobkan ahaa mid ay dalbadeen siyaasiyiinta Mucaaradka K/Galbeed oo aan wax kalsooni ah ku qabanin maamulka Lafta-gareen oo isna qodobkan dhaafsaday inuu xilka sii joogo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka inay la wreegto maamulka Doorashada K/Galbeed waxay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa siinaysaa inay K/Galbeed awood ah musharax kooxdooda ka tirsan si geystaan xika ugu sareeya maamulka K/Galbeed oo ah Madaxweynaha soo socda.

Heshiiska xalay lagu gaaray Baydhaba wuxuu guul u yahay dadka K/Galbeed oo ka badbaaday qalalaase iyo dagaal lagu sigtay inay ka dhacaan magaalada Baydhaba, halka dhinaca kale madaxda dowladda Federaalka oo qaateen kaalin dhex-dhexaadnimo oo heshiisiin.

Siyaasiyiinta Mucaaradka K/Galbeed ee ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen, waxay muujiyeen tanaasulka ugu weyn, iyagoo dhinaca kale aan taageero buuxda ka heysan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.