Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Korneyl Bixii Qawlalaha Xumbadu Ka Duuleyso Tashigi Tolki Aan Maqal Tabarna Ma Keenin .. Shacabki SSC Oo U Arbaca-Arbaceeyey Cidamadi Cali Ordaayey Ee SL .. Garadadi Oo Ku Dhawaqay Iney Hoostagto DF

Monday - Feb 6, 2023




Laascaanood – Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maalmahaan shir ku lahaa Laascaanood ayaa maanta ka soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob kaas oo ay ku shaaciyeen go’aano culus oo ka dhan ah Somaliland .. Ugu horreyn waxgaradka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland in muddo ka badan 15 sanno ay xasuuq ay ku tilmaameen isir sifeyn ka waday magaalada Laascaanood.

Isimada ayaa ku dhawaaqay in aysan kamid aheyn Somaliland, isla-markaana aysan wax heshiis kula gelin in la kala gooyo dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-murtiyeedla .. Sidoo kale war-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in dadka reer Khaatumo ay ka mid yihiin dhul weynaha Soomaaliyeed, ayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajira Soomaaliya.

“Degaanada SSC-Khaatumo dad iyo dalba waxay kamid yihiin dhulweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana astaan u taagan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed,” ayaa markale lagu yiri war-murtiyeedka .. Waxa kale lagu cadeeyay go’aankan in inta laga dhameystirayo aayo-katalinta maamulka SSC ay toos u hoos tagi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa shirka laga soo saaray baaq guud oo loo diray Somaliland, kaas oo ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo deegaanada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dhinaca kale, Garaadadu waxay kalo tilmaameen in weerki saaka ay ciidamada Somaliland ku soo qaaday aysan mahadin oo halkaas naxdin dar-dar leh iyo jab xoogan ka soo gaaray oo hub iyo saanad looga furtay illa iyo haddana dagaalki weli waa u socda, hasa-yeeshe si farsamo farshaxan ayaa jiho kasta weerar-kooda loogu diyaar-garoobay, isla markaana gurmad iyo malaaiigtu wey ka hawlgalayaan .. Korneyl Bixii oo xaalkiisu noqday sidi Sayidki Ina Cabdille Xasan intu naf la caari booday "Caamir Waa Salleele Aana Hatan Caymadie"  .. Korneylku dhiiqo ayuu galay oo dadku waa la yaabayihiin isaguna waa findhi-cilanaya oo wuxuu jilaya Riwaayadi Jeel Iyo Jeceyl