Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Qoraalkaan Wada Akhri Si Aad U Ogaato Wax Aadan Ogeyn .. Dhoofinta Sagaarada Somaliya

Tuesday - Feb 7, 2023




Waxaa socdo dhoofinta Hilibka Sagaarada, waa la qalaa oo waxaa laga saaraa Uur ku jirka iyo Maqaarka. Marka la qalo waxaa lagu reebaa Maqaarka Madaxa oo kaliya. lagamana gooyo madaxa .. Dhowr kun ayaa Qaboojiye lagu keeydiyaa. Kadibna waxaa loo dhoofiyaa wadamada khaliijka. 

Sagaaradu dhaqan ahaan waa Xayawaanka kaliya ee aan Lamaanihiisa khiyaamin .. Cumri ahaan waxa ay noolaan-kartaa 5-10 Sano. Muuqaal ahaan Tan dhidig ayaa ka weyn tan Labka, Labku waxa uu leeyahay Geeso .. Laba labo ayeey u socdaan iskumana raacaan Raxan Raxan. Tan dhidig waxa ay ku baaluqdaa 5-6 Bilood. Kan labkana 6-8 Bilood .. Waxa ay wax dhashaa Sanadkii laba Mar. Sagaaradu waxa ay u qeybsantaa 4-nuuc oo kala ah: Gol-cas, Sandheer, Qusley, Guuyo, waxa eyna ordi kartaa 26 km/ Saacadii.

Jinaqa yar ee Sagaaradu waxa uu waalidkii la joogaa ilaa Hooyadu dhasho Da'da xigto. Kadibna waa la buriyaa si uu u raadsado Lamaane uu la noolaado. Hadduu Lab yahay Aabahaa eryo, hadduu dhidig yahayna Hooyadaa erisa.

Kan la soo buriyo meel gaar ah ayuu degaa oo uu ku saxaroodaa, tan dhidigna meel gaar ah ayeey ku kaadisaa, kan Labka ayaa u imaanaa waxa uuna uriyaa kaadideeda, kadibna kaadida iyo saxarada ayaa la isku darsadaa. Haddii uu dareemo in ay wax dhali-karto waa is raacayaan,

Lamaaanahaas waxa eyna degayaan Deegaan u gaar ah, ilyarta Sagaarada waxaa ka socdo dhacaan madoow, waxa ay ku xoqaan Geedaha u dhaw, taa oo ah calaamad deegaankaan Anagaa degan, Qooys kale looma ogolo. Waxa eyna noqonayaan Qoys.

Kadibna waa isku galmoodaan, Galmadu waxa ey dhacdaa 3-4 mar, 9 Saac gudahood .. Waana xayawaan noloshiisa aan midna Gogol dhaaf sameeynin oo nolosha oo dhan ku kooban Lamaanihiisa oo kaliya .. Weligoodna kala tagi maayaan. Haddii mid dhintu kan kale waxa uu goostaa in uu is dilo ama uu isku dhiibo xayawaan kale oo cuno intii uu kali ku noolaa lahaa, ma ogolo "Singl mother" ama "Single father" 

Waana sababata keentay in ay yaraato taranta Sagaaradu. intii yareed ee hartayna waxaan bilaawnay in aan Carabta u dhoofino. Waxaan ka mid nahay wadamada yar ee Dunida uu Allaah ugu deeqay Sagaarada