Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dunida Ciireysa Carabkii Qoyani Waa Hadlaa .. Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Dagaal Is Difaacid Oo Kaga Soo Socda Xaga Somaliya Oo Ciidamo Ka Soo Talaabeen

Saturday - Feb 11, 2023





Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso dagaal is difaacid ah kadib markii ay caalmka la wadaagtay qoraal kaasi oo sheegaaya in ciidamo ka docda dawlada Somalia oo ay iskaashanayaan kuwo ka socda maamulka Puntland ay ciidamo xoogan u soo dhaqaajiyeen dhanka gobolka Sool .. Wasiirka gashandhiga ee Somaliland ayaa sheegay in ay Somaliland iska difaaci-doonto gardaradaasi.

Wararka ayaa sheegaay in maanta duhurkii ay ciidamo wata ku dhawaad boqol baabuur oo Tikniko ah iyo ciidan aan tiradiisa la shèegin ay u soo jihaysteen aaga Tuko-Raq oo ay ciidamada Somaliland ku suganyihiin, halkaasi oo ciidanka qarankuna uu la socdo duulaankaasi lagu soo qaaday Somaliland sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland.

Waxana la filayaa in .aalinta bari ah iyo wixii ka danbeeyaba ay labada dhinaca fooda isku dari doonaan dagaalo lagu riiqdo, waxana labada dhanba ay gobolkaasi Sool oo dhaca xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya geeyeen awoodoodii milatari ee ugu cuslayd.