Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Doqon Iyo Ninki Nacasa Garane SSC Buntukh Iyo Madaafiic Laguma Waabin-karo .. Duqemo Caawa Ku Soconaaya Magaalada Laascaanood

Monday - Feb 13, 2023




Laascaanood- Duqeymo culus is-maqiiq ah ayaa caawa ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, taas oo ay adeegsanayaan ciidamada maamulka Somaliland ee habeenkii Sagaalaad duullaan ka wada Laascaanood, laakiin mitidka heegan-dirirka SSC ayaa yiri: Tacadiga Korneyl Bixii waa naf-lacaarinimo iyo sahan beenoobay, waa dagaal xag-xagasho lagu khasaaray oo Bixii heeryadiisi dib u cunay .. SSC diyaar waxay u noqdeen iney dhulkooda difaacaan

Sida ay sheegayaan goob-joogayaal ku sugan Laascaanood, duqeymaha ayaa intooda badan lala beegsanayaa goobaha rayidka, sida guryaha, isbitaalada iyo masaajidada ku yaalla magaalada.

Somaliland ayaa jab xooggan kala kulantay dagaalada fool ka foolka ah ee ay ciidamadeedu kula jiraan dadka deegaannada SSC. Waxaa jira khasaare baaxad leh oo kasoo gaaray sida dhimashada saraakiil muhiim u ahaa ciidakada maamulkaas.