Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Shirki Madasha Qaranka Oo La Soo Gabagabeeyey Iyo Sida Loo Arko

Tuesday - April 12, 2016



Magaalada Muqdisho waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay shirkii madasha wadatashiga qaran ee ka socday xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Shirkan oo ay lahaayeen madaxda dowladda fedaraalka iyo kuwa maamul goballeedyada ayaa looga hadlay seddax ajande oo kala ah, farsamooyinka iyo xeeladaha la adeegsan doono doorashadda soo socota, qaabka laga soo xulaayo baarlamaanka soo socda iyo cidda leh awooda iyo ammaanka.

Qodobada muhiimka ee ku jira war murtiyeedka ayaa ah in labo Guddi la magacaabayo oo ku saabsan doorashooyinka, kuwaasoo kala ah Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Qaran iyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed. iyado Marka la qiimeeyo go’aamadda ka soo baxay madasha Wadatashiga ee magaalada Muqdisho ayaa badankoodu ah kuwa taabacsan heshiiskii 3-dii April lagu saxiixey magaalada Garoowe, waxaana la leeyahay in ay soo baxaan war-murtiyedkaan waxaa ka dambeysay Beesha Caalamku oo si toosa ula hadashay

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhaganaa in aan marnaba meel-mar laga dhigin heshiiskii Garoowe, gaar ahaana qodobka oranaya waa In dawlad gobaleedyadu yeeshaan Saxiixa ugu dambeeya ee xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ayaa u arkayey in taasi ay caqabad ku tahay in ay helaan Xildhibaanada ay u baahan yihiin, waxaana meelmar noqotay sidii Garoowe loogu heshiiyey.

Sidaas oo kale qorshihii Labaad ee M/weyne Xassan Sheekh ee ahaa in lagu qoro War-saxaafadeedka in meelmar laga dhigo in baarlamaanka Soomaaliya ogolaansho loo siiyo, in ay dibu eegis ku sameyn karaan heshiisyada Madashu ay gaartay, oo iyana noqday mid looga guuleystay Kooxda Xasan Shiikh

Sida ku qoran War murtiyeedka soo baxay goor dhaweyd waxaa qodobka ugu dambeeya laga dhigay in la horgeyn doono baarlamaanka Heshiisyada Madasha ee la xariira Habraaca Doorashada, laakiin sida muuqata fasax uma haystaan in ay ka doodaan, waxaana lagu eekeyey doorkooda oo kaliya “ in ay ayidaan "

Hankii ahaa in ay saameyn federaalka ku yeelato baarlamaanka Koonfur Galbeed, Jubbaland & Puntland ayaa meesha ka baxay, waxaana goor horeba soo baxday in aysan wax badan oo guul siyaasadeed aysan heyn kooxda Madaxweynaha Soomaaliya.