Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xuurka Iyo Waraabaha Maxay Xalay Duceeyeen .. Dagaal Culus Oo xalay Ka Qarxay Laascaanood Iyo SNM Oo Laga Dhigay Wax La Dilay Iyo Wax La Baqo Eryey

Tuesday - Feb 14, 2023




Warar hadda naga soo gaaray magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in caawa magaalada uu ka bilowday dagaal culus oo dhinac kasta wax-yeelo ka jiraan .. hogaamiyaha somaliland nin aqoon leh Aw iyo Oday waa u ka diiday inu dagaalka xakameeyo, balse falsafada u ku shaqeynaayo ayaa ah "Bude inta birtu kulusha-hay, wuxu kalo yiri " Maxaa bururufta beesha caalamka iga galay"

Wariyaha Galdogob Times oo khadka Taleefoonka kula xiriirnay ayaa soo sheegaya in hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlayo magaalada oo la isku adeegsanayo madaafiic culus.

Dagaalka SSC iyo Somaliland ayaa haatan isu beddeley mid habeennimo iyadoo ay xusid mudantahay in ay adagtahay in habeenkii dadka shacabka ah gurmad helaan .. Labada dhinac ayaa dhagaha ka fureestay baaqyada gudaha iyo Dibadda si colaada loo jiijiyo.

Dagaalka ayaa galay maalintii 10-aad iyadoo Boqolaal shacab ay ku barakaceen halka tobanaan kale ku dhaawacmeen.