Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Maalka Iyo Hantida Farxad Ma Keenaan? .. Haddi Caanimada Magaca Iyo Lacgta Micne Leedahay Bal Akhri Sheekadaan

Monday - Feb 20, 2023




Saddex sano ka hor waxaa jirtay Gabar Qurux badan ee lagu magacaabo Jeeslii Kiriist (Cheslie krystl) .. Gabadhaan waxay ku guulaysatay Quruxda ay u mataleysay Gobolka Woqooyiga Karoolina ee dalka Maraykanka ( North Carolina).

Laba Todobaad muddo laga joogo waxay waraysi la yeelatay Televishinka caanka ah ee dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Denzel Washington .. Gabadha marki la wareysanaayey waxaa ka muuqatay Qosol iyo farxaad, aadna wey u kaftameysay

Nasiib darro Gabadhi todobaadkaan ayay Iska soo tuurtay dabaq 12-aad  iyadoo hooyadeed uga tagtay Waraaq qoraal ah oo dardaaran ah .. Dabcan ma garan karno sababta ay nafteeda u halligtay.

Xaqiiqdii waxaynu qisadan ka ogaan karnaa in dadka Caanka amase Hantiila-yaasha ah iyo dadka aynu tuhmayno inay farxad ku nool yihiin inay iyaga laftigooda ay haysato mushkilado nololeed. .. Sidoo kale waxaynu qisadan ka Faa’iidaynaa in lacagta iyo Caanimadu aanay Qofka u horseedayn farxad iyo wanaag, balse Cibaadada iyo ilaahay oo lagu xirnaado oo amarkiisa la qaato ayaa laga helaa xasiloonida qalbiga. 
Hadda Akhristow, Ogow Dadka dunida ugu farxadda badan waa dadka Faqiirka ah ee Nolosha caadiga  ah iskaga nool.