Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dilka Dhacay .. Diifta Kala Gaartay .. Duubiga Isaaq Isku Jabay .. Amuur Baa Dhacday Iyo Nimanki Reer L/caanood Hadey Dirir Maagaan Arliga Dumuq Ka Siinaaya Oo Maanta Qabsaday Taangigi Soo Weeraray

Tuesday - Feb 21, 2023




Dagaal culus ayaa weli ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, halkaas oo maalintii 16-aad ay Ciidamada maamulka Somaliland duullaan ku yihiin si ay gacanta ugu dhigaan magaalada, balse ay difaac adag kala kulmayaan ciidamada deegaanka ee SSC-KHAATUMO.

Sida ay xaqiijinayaan goob-joogayaal dagaalka maanta ayaa ka duwanaa dagaaladii maalihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada oo u badnaa duqeymo, waxaana ciidamada Somaliland Laascaanood ka soo weerareen Saddex jiho iyagoo dagaal adag la kulmay. Aroornimadii horeba labo kamid ah jihoooyinkii ay ka soo qaadeen dagaalka ayaa lagu jabiyay.

Hadda, dagaalka ayaa ka soconaya hal dhinac, maamulka Somaliland-na waxaa uu magaalada la dhacayaa madaafiic aan loo meel dayin, kuwaas oo qaarkood ku dhaceen guryo shacab.

Dhanka kalena, Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Somaliland dagaalka looga qabsaday TAANGI (Kaare) ka mid ah kuwii ay magaalada ku duqeynaysa, waxaana la laayay dhaman ciidamadii taangigaas la socday, marka laga soo tago qaar yar oo ka cararay.