Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Mareykanka Oo Sheegay Inu Dilay Taliyaal Al-Shabaaba

Wednesday - April 13, 2016


Washinton- Sidda uu ku dhawaaqay Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Mareykanka Jeff Davis waxa ay ciidamada USA howlgal khaas ah ka fuliyeen gobalka Jubbada Hoose, iyagoo weeraray xarun ay horey laamahooda Sirdoonku u sahmiyeen ayna ku shirayeen Saraakiil la baadi-goobayey.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay dileen 12 dagaalyahan oo Shabaab ah, oo ay ku jiraan labo qof oo ay si aad ah u baadi-goobaysay dawladda Mareykanka, kuwaas oo aan magacyadooda la sheegin.

Mr, Davis wuxuu cadeeyey in uu weerarkan dhacay subaxnimadii hore ee Talaadada, isla markaasna ay USA bartilmaameedsatay shaqsiyaad ka soo horjeeday daganaanshaha amniga geeska Africa.

Mar la weydiiyey xogaha ay ilaa hadda ka hayaan weerarkaas, wuxuu diidey in uu wax faahfaahin ah bixiyo, balse wuxuu sheegay in ay dhawaan bixin doonaan magacyada shaqsiyaadka la dilay iyo xogta dhameystiran.

Ciidamadda Sida gaarka ah u tababaran ee dawladda Mareykanka ayaa 6-dii bilood ee lasoo dhaafay kordhiyey weerarada ay ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxa ayna bishan gudaheeda ka qeybgaleen ugu yaraan 4 weerar oo si gaadmo ah loogu qaaday meelaha ay ku badan yihiin Saraakiisha Al- Shabaab