Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qabweynidi Muuse Bixii Oo Qar Ka Tuurtay .. Cabdi-Risaaq Khalif Wax Badan Buu Dagaalamay Intu Diiday Bahalki Dooxayey Shacbki SSC Oo War Lama Filaana Ka Soo Saaray

Sunday - Feb 26, 2023




Hargeysa – Guddoomiyaha golaha wakiilada maamulka Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaas oo galay maalintii 21aad oo xiriir ah.

Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in xasuuq ba’an uu ka dhacay Laascaanood, isaga oo sheegay in awood xad dhaaf ah loo adeegsaday shacabka ku dhaqan magaaladaasi .. Guddoomiyaha ayaa eedeynta ugu weyn u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu tilmaamay inuu kasoo horjeedo in xal rasmi ah laga gaaro colaada Laascaanood.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan arrintaas, isla-markaana uu kala fur furay xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad.

Sidoo kae guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in ciidanka malatiga Somaliland laga soo saaro dhulka SSC, si xal loo helo.

“Madaxweyne Muuse Biixi, badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamada kala baxdaa deegaanada SSC, maanta  berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale xusay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay ay qaadayaan madaxweyne Muusae Biixi iyo Taliye Nuux Taani, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 150 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 500 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah