Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qalad Qalad Ka Daba-gee Qalooc Aan La Saxin Buu Dhala .. Somaliland Oo Shan Qodob Magaceedi Iyo Aqoonsigeedi Ku Galbaday

Monday - Feb 27, 2023



Laascaanood – Somaliland khasaare dhowr waji ayay kala soo laabatay dagaalka ay ku gashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool .. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cudud ka xoog badan intii la filayay, iyada oo ay muuqato waxay midnimadooda u goysay dagaal socday in ka badan 20 cisho oo ay la galeen maamul Soddan jir ah.

Marwalba waa adag tahay in laga adkaado kacdoon shacab wax tabanaya oo kadibna caadifad u gudbay Sabtidii waxaa dhacay dagaalkii ugu xoogana, uguna khasaaraha badna, kaasi oo ay Somaliland ku lumisay deegaano muhiim ah.

Warbixintan waxaa ku soo koobeyna dhowr waxyaabood oo Somaliland ay lumisay mudadii uu socday dagaalka Laascaanood.

1. Deegaano ka baxay gacantooda: In aad lumiso magaalada Laascaanood adiga oo xukumaya Somaliland waa jab weyn. Intii uu dagaalkan socday Somaliland goobo badan oo muhiim ah ayay ciidan ahaan dib uga gurteen, waxaana qiimaha la goyn karin ku fadhisa Laascaanood oo dhowr iyo toban sano uu ka talinayay maamulka Somaliland.

Dhanka Tukaraq dib u gurasho ayaa laga soo sheegaya, gudaha Laascaanood-na sarkaalkoodii ugu muhiimsana Mahad Cambaashe ayaa doraad cagta la mariyay.

2. Adduunka oo xasuuq u haysta Somaliland: Waxaa durbaba ku billaabatay Somaliland dacwo la xiriirta inay xasuuq iyo gabood-fal ka geysteen Laascaanood .. Dunida waxay diiwaan-gelinaysa maanta tirada shacabka uu maamulka Muuse Biixi ku dilay magaalada Laascaanood.

Tani waxay dhalin doonta saameyn taban oo la xiriirta gargaarkii iyo garab istaagii la siin jiray Somaliland oo laga fiirsan doono iyo suurtagal-nimada in madaxdooda qaar la saaro cuna-qabateyn socdaal, mid maaliyadeed iyo maxkamadeyn mustaqbalka ah.

3. Cinwaankii gooni-u-goosadka oo dhaawacmay: Somaliland markii ay rabto in dunida u sharaxdo sababta ay u dooneyso inay ka go’do Soomaaliya waxay sheegan jirtay in dowladii Soomaaliya xasuuqday, balse maanta waxaa iyagana miiska adduunka ku sugaya xasuuqa Laascaanood .. Hadda waa inay ka fikiraan si kale oo ay u iibin karaan mashruuca gooni-u-goosadka oo aan aheyn cabashada xasuuqa.

4. Dhimasho ciidan oo laga maarmi karay: Askar badan ayaa Somaliland kaga dhimatay dagaalka Laascaanood, iyagu dadka ay dileen kuma faani karaan oo dacwo xasuuq shacab ah ayaa loo haysta durba.

Laakiin Muuse Biixi waxaa hortaalla dood gudaha ah, taas oo sheegaysa maxay ku dhinteen askarta Somaliland ee Laascaanood, iyada oo ay badi dadka wax-galka ah aaminsan yihiin in dagaalkaas laga maarmi-karay.

5. Qabyaaladii oo suuq heshay iyo xalkii oo fogaaday: Dagaalka Laascaanood wuxuu dhinaca kale kor u qaaday qabyaaladii deegaanada Somaliland, dadku aad ayay u kala fogaadeen.

Maamul walba oo dhisan uma fiicna jiritaankiisa in qabyaaladu hadaf ka noqoto bulshada dhexdeeda, waana arrin aan la sahashan karin waxa ka dhalan doona mustaqbalka dhow.

Sidoo kale waxaa muuqata in xalka Laascaanood uu sii fogaaday, waxaana sabab looga dhigay sida uu maamulka hoggaamiye Muuse Biixi u wajahay arrintaan.

Arrimahan oo isugu jira deegaano uu maamulka lumiyay, xasuuq la isku haysto, niyad-jabka beesha caalamka, dhaawaca soo gaaray cinwaankii ictiraafka iyo kala dhimashada bulshada ayaa kamid ah kamid ah khasaaraha Somaliland ay kasoo qaaday dagaalka Laascaanood.