Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Deganaasho Meeshi Lehba Darajo Taala .. Xaalada Nabadgalyada Mogdisho Oo Ka Sii Dartay

Wednesday - March 1, 2023





Mogdisho- Dil dad badan ka argagaxeen ayaa maanta ka dhacay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana dad shacab ah gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilkaasi, xilli uu isku dayay in uu baxsado.

Sida aan wararka ku helnay nin watay Toorey dheer ayaa mar qura beegsaday goob uu fadhiyay marxuum Ismaaciil Maxamed Cabdulle oo kamid ahaa dadka degan Wardhiigley, ninka tooreyda watay ayaana qoorta iyo meelo kale kala dhacay mindida.

Dad goobta ku sugnaa ay ku jiraan ehelada marxuumka la dilay ayaa ku guuldareestay in ay badbaadiyaan , waxaana ninkan gacan kudhiiglaha dilka geestay iyada oo dad badan ay arkayeen.

Wararka aan helnay sheegaya in dadkii goobta ku sugnaa ay qabteen ninka dilka geesteen si xuna u garaaceen, waxaana ninkaasi markii dambe loo gacan galiyay ciidamada booliiska oo ku xiray xarunta CID-da.

Dhanka kale askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa darawal Mooto Bajaaj ku dilay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho waxaana wararka ay sheegayaan inuu baxsaday ninkii dilka geestay.