Wakiilka UN-ka Qaabilsan Somaliya Micheal Ketaing Oo U Digay Golaha Baarlamaanka
Thursday - April 14, 2016
Mogdisho- Wararka ka soo baxay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Ketaing oo uu shir gaar ah la qaatay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo ay uga wada hadleen arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya.
Ergayga ayaa u sheegay Gudoomiyaha baarlamaanka in looga baahan yahay in ay xildhibaanadu ka hor 27-ka bishan ay meelmar ka dhigaan qodobadii lagu heshiiyey ee madasha Wadatashiga shalay ka soo baxay, wuxuuna cadeeyey in ay Beesha Caalamku doonayso in meelmar laga dhigo qodobadan.
Mr, Keating ayaa sheegay in la gaaray waqtigii doorashadda, loogana baahan yahay baarlamaanku in ay dadajiyaan dhamaan Sharuucda Doorashaddan la xariirta, isagoo sheegay in wixii la qaban waayay 4-tii sanno ee lasoo dhaafay ay lama huraan tahay in maalmo kooban lagu soo afjaro.
Wakiilku wuxuu muujiyey walaaca ay ka qabaan in ay jiraan qaar kamid ah baarlamaanka oo Siyaasadda ku dhex jira, doonayana in ay buuq siyaasadeed kiciyaan, wuxuuna sheegay in kuwaas talaabo laga qaadi doono, balse guddoonka looga baahan yahay dadajinta horgeynta baarlamaanka Soomaaliya.
Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya go’aankii ay shalay soo saareen waxa ay doorka baarlamaanka ku sheegeen oo kaliya in ay AYIDI KARAAN oo kaliya heshiisyadii Madashu gashay iyo qaabka doorashada ee Soomaaliya, waxaana muuqatay saacadihii u dambeeyey in uu jiray abaabul ay kooxo Xildhibaano ah doonayaan in ay dood galiyaan heshiisyada qaarkood.