Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Taliyaha NISA Mahad Salaad Oo Sharci Soo Soofeystay Laga Aqbalay .. Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Saxiixay Sharci Dhabar Jab Ku Ah Argagixisada

Wednesday - March 8, 2023





Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xooga saaraya hirgelinta hannaan dowlad-nimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.

“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaalameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.