Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Qofki Saaxiib Doonaya Qu'raanka Ayaa Ku Filan

Thursday - March 9, 2023




Mahad Allaa Iska leh Allaha Caalamka .. Waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah kale Alle mooyee oo aan lahayen mid wax la wadaago, waxaana qirayaa in sayidkeena iyo nabigeena Muxammad addoonkiisa uu yahay iyo rasuulkiisa Allow nabadgalyo iyo naxariis iyo barako korkiisa yeel isaga iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo qofkii ku raacay wanaag ilaa maalinta qiyaame
Intaas kaddib: Qofki Saaxiib Doonaya Qu'raanka Ayaa Ku Filan

1: Qofkii Sahay doonayo cabsida Alle ayaa ku filan

2: Qofkii sharaf doonayo islanimada ayaa ku filan

3: Qofkii cadalad doonayo xukunka Alle ayaa ku filan

4: Qofkii saxiib doonayo Qur’aanka ayaa ku filan

5:Qofkii cibro qadasho doonayo Geerida ayaa ku filan

6: Qofkii heybad doonayo cilmiga ayaa ku filan

7: Qofkii wehel doonayo xuska Alle ayaa ku filan

8: Qofkii hodon-tinimo doonayo qanacada ayaa ku filan

9: Qofkii qurux doonayo akhlaaqda ayaa ku filan

10: Qofkii raaxo doonayo aakhiro ayaa ku filan

11: Qofkii aan intaas dooneynin naarta ayaa ku filan