Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Cuqubooyin Baa Diririya Shafka Wax Jiifaan Balaayo Tiraabaya .. Nabadoon Caan Ah Oo Lagu Toogtay Gaalkacyo

Saturday - March 11, 2023



Puntland/Gaalkacyo- Kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ayaa caawa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo kamid ahaa Nabadoonada Gobolkaasi.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Nabadoonka la dilay, xilli uu ka soo baxay masjidka Ramadaan oo uu ku soo tukaday salaaddii maqrib ee caawa, isagoo u dhintay rasaaa lagu huwiyey.

Qaar kamid ah ehelada Nabadoonka la toogtay iyo ciidanka amniga magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, isla markaana ka qaaday Meydka Marxuum Cabdi Aadan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in laamaha ammaanka Puntland ay wadaan howlgalo lagu baadi-goobayo dadkii ka danbeeyay falka lagu khaarijiyay Nabadoonka oo kamid ahaa nabadoonada ugu caan Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa marar duwan sidaan oo kale dilal qorsheysan loogu geystay Odayaal Nabadoono ahaa, Waxgarad, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa.