Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Kobcinta Xasuusta .. Maskaxda Waxay Yeelata Sun Ka Sameysmata Cuntada Wasakheysan Oo Saameysa Shaqada Maskaxda

Sunday - March 12, 2023




Akhristow, Mararka qaar ma dareentaa khal-khal iyo tashuush kaga furma fikirka ama xasuusta ama in aad fahamtid cashar ama xisaab, hadaad dareentid taas wa arin u baahan in lala tacaalo oo la xaliyo.

Maskaxda waxaa la sheegaa in ay yeelato Sun ka sameysanta cuntada wasakhaysan iyo haraadiga cuntada ku baxday shaqada maskaxda, haday meesha ku aruurto Suntaasi waxay khal-khal galinaysaa shaqada maskaxda iyo in uu qofku si saliima u fikiro shaqana uqabto hadaba taasi waxay u baahantahy in laga nadiifiyo maskaxada.

Hadaba si loo nadiifiyo maskaxda waxay ubaahantahy inuu qofku nasiino fiican helo oo uu seexdo waqti ku filan,gaar ahaan xilliga habeenkii ah, sababta oo ah hurdada habeenkii ah way ka duwantahy tan maalintii oo shaqooyin badan baa ka dhaca jirka intuu qofku hurdo waxaana ka mid ah ka nadiifinta jirka sunta, Lymphatic system ku waa kan qaabilsan inuu ka nadiifiyo jirka sunta waxaa la sheegaa inuu 60% uu shaqadiisa balaariyo xilliga hurdada.

Sidoo kale si maskaxda looga nadiifiyo sunta waxay u baahantahy in uu qofku biyo badan cabo, sababta oo ah biyaha jirka 40% waxaa qaata maskaxda biyahana aad bay ugu baahan-tahay, oo markastoo biya cabkaagu badanyahay shaqada maskaxda iyo shaqada dhiig wareegu si fiican bay u shaqaynayaan , sababta oo ah maskaxda iyo wadnaha waxa la sheega 73% inay biyo ka kooban-yihiin .

Intaas hadaan isla garanay waxaa kaloo jira cuntooyin uu qofku u baahanyahy si uu u xoojiyo awooda maskaxdiisa taasoo ka saacidaysa qofka in uu kor u kaco fahankiisa , fikirkiisa iyo xasuustiisuba, waana tan qofka ka saacidaysa inuu la jaanqaado wax barashada iyo soo kordhinta wax muhiim u ah noloshiisa iyo tan dadka ku hareereysan sido kale u sahlaysa xal u raadinta caqabad kasta.

Waxaa ka mid ah cuntooyinkaas hadaan soo koobo :

1- Kaluunka: waxa ku jirta maado loo yaqaan omega 3 oo kor u qaada xasuusta iyo shaqada maskaxda .

2- Ukunta: waa mid ka mida cuntooyinka maskaxda ugu faa'iidada badan, waxa ku jira protin iyo vitamin B iyo macaadin badan ,Waxaana la sheegaa inuu jirku maalinkasta u baahanyahy.

3- Afakaadhada : waxaa ku jira vitamin B' C iyo saliidaha uroon maskaxda iyo jirka .

4- lowska noocyadiisa kaladuwan "waxa ku jira saliid uroon maskaxada sido kale wuxu siyaadshaa diirad saarida (focus) waana shaygaugu muhiimsan shaqa kastoo laqabanayo.

5- Khudaarta cagaaran: khudaarta cagaarka ah waxa laga helaa vitamins badan waxyna ka ilaaliyaan unugyada maskaxda inay daalaan.

Sidookale waxa jira shaqooyin dardar galiya shaqada masqaxda oo kor u qaada fir-fircoonaanta maskaxda, waxa kamid ah wax akhriska,waxaa la sheegaa wax akhrisku inuu maskaxda kor u qaado, xilliga wax akhriska maskaxda waxa u noolaada unugyo horay u dhintay

Qore : Abdulahi Haydari .