Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Korneyl Bixi Oo La Yimi Mabda' Aan Shaqeyneyn Balse Miriray Aan Lagu Macaashi-karin .. SSC- Khatumo Oo Shuruud Ku Xirtay Wada-hadalka Muuse Bixi Si Loo Joojiyo Dagaalka Laascaanood

Wednesday - March 15, 2023

 


Laascaanood- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Isimada SSC ee Laascaanood ku sugan ay qodob adag hor dhigeen dhex-dhexaadinta dowladda Itoobiya ay hormuudka u ahayd.

Caaqil Cabdi-risaaq Maxamed Xasan Falaalug, afhayeenka guddiga Aayo ka-tashiga SSC oo ka kooban 33-xubnood oo maanta warbaahinta kula hadlay Laascaanood, ayaa ka warbixiyay xaaladda.

"Muuse Biixi iyo ciidankiisu way diideen Nabad iyo xabad joojin, maalmahan oo dhan madfaca iyo xabaduhu magaalada waa ku socdaan. Maanta ayaa u dambaysay waa kuwaan kuwii ay soo rideen,” ayuu yiri .. Dhanka kale, Caaqil Cabdi-risaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhawaaqay in gobolada SSC aysan wax wadahadal ah la galayn Somaliland ilaa ciidamada maamulka la geeyo aagga Oog.

Isaga oo sii hadlaya, Mr Falaalug oo ka digay in laga been sheego xabad-joojinta magaaladda ayuu tibaaxay "Wadahadal Oog ka sokeeya ma jiro, maamulkaas Somaliland wax aan wadaagno ma jiro"


Isimo dhawaan magaaladda Hargeisa ku laabtay kuwaasi oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay Addis Ababa u safrayaan ayuu caaqilku sheegay in aanay haba yaraate wax wada hadal ah la galaynin.