Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Heshiiski Fircoon Inu Alle Sheegto .. Sheekadi Dhex Martay Fircoon Iyo Sheydaan

Thursday - March 16, 2023

 

Fircoon iyo Haamaan ayaa ku Heshiiyay in Fircoon uu sheegto Alle Awood u leh inuu Wax Abuuri- karo .. Haamaan wuxuu Fircoon kula Heshiiyay inuu Beenta u Marag furi-doono, Suuqana u gelin doono in Fircoon illaah yahay.

Haddaba, Beentii markii ay Suuqda ku Faaftay, Fircoon waa is cajabiyey, wuxuuna Aaminay inuu illaah yahay, wuxuuba iloobay in Haamaan yahay Ninkii Beenta ay ku Heshiiyeen isla markaana Dadka Beenta ku Hirgeliyay.

Fircoon isaga oo Quraafadkii Aaminsan iyo Aftahaninadii Alle Weyne ku Galadaystay ayuu Haamaan ku yiri:- Haamaanoow maalintaan Madaxaaga Abuuraayay dhib badan ayaan kala kulmay. Haamaan inta uu Qoslay ayuu Fircoon ku yiri:- Xataa Anigaa yaa Fircoon. Fadlan dib u Xasuusoo Heshiiskeenii ahaa in aad ilaah-nimo Sheegato, Anigana kaaga Marqaati kici doona. Xataa Aniga miyaad Rabtaa inaad Beenta igu Saxdid kkkk. 

Mar kale Shaydaan ayaa Maalin maalmaha ka mida soo garaacay Albaabki Fircoon .. Fircoon ayaa yiri waa kuma waxa Albaabka Garaacaya ?
Shaydaankii ayaa u jawaabay oo yiri:- Hadaad ILaah tahay Yaa waaye ima aadan dhahdeen oo markiiba waad ii garan-lahayed, markaas ayuu Fircoon yiri:- Malcuunki miyaa? halki ayaa Haddaba Sheeko dhex martay Fircoon iyo sheydaanki .. Fircoon ayaa Shaydaanka ku yiri: War Sheydanoow Labadeena wax naga Daran miyaa jira. Sheydaanki oo jawaabaya ayaa yiri: Hal Qof ayaa naga daran, oo weliba  Saaxiibkeyga Qaliga ah.
Fircoon oo yaaban ayaa yiri:- waa kuma Qofka Labadeena inaga Daran ? 
Sheydaanka ayaa yiri:- Labadeena Qofka naga daran waa Xaasidka.