Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Akhbaarti Zaman Hore .. Qisadi Nabi Shicyaa bin Amsiya (nabad korkiisa ha ahaatee)

Saturday - April 16, 2016



Nabi Shicyaa (Isaiah) waxaa la soo diray waqti aan xadidneyn oo ka horeysay Zakariya iyo Yaxye, wuxuuna ahaa mid ka mida Anbiyadi horay u si sheegay imaanshaha Nabi Ciise iyo Maxamed nabad korkiisa ha ahaate.
Waqtigaas oo reer bani israail ku jireen waqti xun oo adag waxaa xukumaayey boqor la oran jiray Xizkiya, waxuuna ahaa boqor dhageysan jiray wixii u markaas kula taliyo Nabi Shicyaa.
Boqor Xazkiya maalinti dambe waa u xanuunsaday, waxaana barartay lugta oo ka soo baxay nabar. laakiin xanuunkaas waxaaba uga darnaatay magaaladi Qudus u xukumaayey oo ku soo fooleh ciidan duulaan ah tiro gaaraya illa lix boqol kun oo u wato boqorkii waagaas ciraaq xukumaayey oo la oran jiray Sanxaariib. dadkiina markay maqleen duulaankaas, waxaa galay khalkhal iyo argagax, dabadeed boqorkii ayaa u yeertay Nabi Shicyaa oo weydiiyey hadey xagiisa jiraan wax wax-yi ah oo ku saabsan dagaalkaas u soo wado Boqorka Ciraaq.

Nabi Shicyaa waxuu ugu jawaabay inusan helin wax waxyi ah oo soo dagay oo arintaa la xariirta, waxaase Shicyaa mar dambe u yimi wax-yi  ah inu boqorka u sheego inu ka tanaasulo xukunka oo qof kale u magacaabo, waayo waxaa ku soo dhaw geeri .. Markii u Shicyaa u sheegay arinkaa, waxaa boqorkii isla markiiba uu jeediyey wajigiisa xaga Alle oo u tukaday oo isagoo ilmo ka qubaneyso Alle baryey isagoo leh:
Allahayow! Rabiga Uunkow, ilaahi Uunkow, Naxariistaha Naxariista Badanow.
Allahayow! Midka Aanay Qabanow Lulmo iyo Hurda Midna.
Allahayow! iiga Gargaar Wixii Aan Falaayey oo Camallo Suuban Ah.
                  Iyo Sida Aan Cadaalada ugu kala xukumaayey reer banii israaiil
Allahayow! dhamaan waxaasi waxay ahaayeen xaggaaga.
Allahayow! Adiga ayaa iga ogsoon kuwaasi inta aan aniga ka ogahay.

Markaasa Alle aqbalay ducadiisi oo u naxariistay oo u waxyoodi saaxiibkii Nabi Shicyaa inu ugu bishaareeyo in ducadiisi la aqbalay oo cimrigiisi loo dheereeyey oo lagu daray shan iyo labtan sano iyo inu Alle ka badbaadin-doono cadawgiisa uga soo duulaya Ciraaq.

Boqorkii waxaa ka joogsaday xanuunkii waana caafimaaday, markaasu la dhacay sujuudd isagoo leh:
               Alahayow!  waa adiga kan siiya boqortooyo kii aad doonto oo ka qaadi-kara kii aad doonto
               Allahayow!waa adiga kan ciseeya kii aad doonto oo adiga awalka iyo aakhirkaba ah.
               Allahayow! waa adigaa sareynta badan oo waa adiga kan dhawaanta badan
               Alahayow! oo adiga kan ajiiba baryada dhibanaha.

Alle ciidankii soo duulay waxuu u diray dhimasho-Mawd waana wada le'deen marka laga reebo boqorkii Ciraaq Sanaxariib ciidanka hogaaminaayey iyo shan saaxiibadiisa oo u ku jiray Bukhtanzar oo kuwaas inta la qabtay iyagoo jeebeysan la keenay, oo dabadeed iyagoo duleysan magaalada lagu wareejiyey kadibna la dhigay xabsi. laakiin Nabi Shicyaa waxaa u yimi waxyi lagu oranaayo u sheega boqorka inu nimankaas u celiyo dalkoodi si ay ugu digaan dadkooda oo uga waramaan wixii ku dhacay ciidankoodi. kadibna markii la sii daayey bqorkii ciraaq ee la oranaaye Zanxariib waa dhintay oo dalkii waxaa boqor ka noqday Bukhtinazar oo ka mid ahaa ragi xabsiga laga soo daayey.

Boqorkii reer bani-israail Xiskiyaa ee wanaagsanaa isagina waa dhintay,  oo dabadi dadkii reer bani israiil dhexdooda waxaa ka bilaabmatay fitno oo sharkii iyo xumaanti ku sii badatay, jidkii Allana ka leexdeen.
Alla ayaa u waxyoodi Nabi Shicyaa inu waaniyo reer bani israaiil, markaasu waaniyey oo xasuusiyey galaadihii u Alle u galay oo uga digay baaska iyo ciqaabta ka dhaln-doonta .. laakiin waanadaas ma ay qaadan oo waa ka jeesteen oo u arkeen cadawgooda sidaa darteedna markii dambe intey cayrsadeen ayey geed u ku gabaday ku dhex dileen.
Ugu Dambeystiina Boqor Bukhtanzar oo dib ciidankiisi u abaabushay ayaa lagu soo saladay Reer bani israaiil oo meeley joogaanba ka dhigay wax u dilay iyo wax u adoonsi u kaxeystay