Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waqtigu Waa Raasamaal Oo Taariikhdu Reba .. "Axis Poweras" Isimada SSC Iyo Kuwa Puntland Ee Kalsoonida Shacabka Haysta Oo Go'aan Guul Leh Gaaray

Monday - May 1, 2023




Garoowe- Isimadda dhaqanka SSC oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maanta illa shalay kulan kula qaatay caasimadda Puntland ee Garoowe Isimadda Beelaha Harti .. kuwaasoo gacmahooda si sare u dhaqday si cid walba u aragto

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Beeldaaje Cali Faarax iyo Garaad Maxamuud Cilmi Shirwac.

Isimadda ayaa Kulankooda diirada ku saaray xaaladdaha ka oogan gobalka Sool, waxaana kulankan uu ahaa mid la qabanqaabinayay maalmihii lasoo dhaafay .. 16 sano waa markii ugu horeysay, ee ay Isimaddani kulmeen ayagoo wada-jira caasimadda Puntland ee Garoowe.

Laascaanood ayaa muddo Afar bilood ah waxaa ka soconaya dagaalo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC-KHAATUMO. Dagaaladan ayaa galaaftay nolasha in kabadan 500 Ruux oo ay kamid yihiin rayid.

Kulanka Isimadda ayaa ka soo baxay go'aano dhiig cusub ku sii shubay halganka dadka SSC-KHAATUMO ugu jiraan ka xoreynta deegaankooda ee maamulka Somaliland.