Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Biixi: Laascaanod Waxaan Ka Dhigin Meel Habraha Isaaq Daafida Ku Dubtaan .. Garaad Jaamac: Habraha Isaaq Ee Noqday Sidi Udub Xar Galay Hay-Iska Haw-hawleyaan Ee Heelada Guusha Noo Tuma

Tuesday - May 9, 2023




Laascaanood  – Isimida SSC ayaa shaaciyay in xabad joojin aysan dhaceyn oo wada-hadal ay la galayn Somaliland, kadib go’aankii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi shalay ka hor sheegay Baarlamaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi isagoo is leh wax iska badal oo si kale isu muuji, balse sawir aan loo aqoon isu yeelay ayaa Baarlamaanka ka hor sheegay in marnaba aan Somaliland laga sugin in ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool oo dib baan u guumeysan reer Laascaanood ..  xilli ay baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ahba ay soo jeediyeen in ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka si labada dhinac ay miiska wada-hadalka iskugu imaadan.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa sheegay in aysan wada-hadal la fureyn Somaliland inta ay ciidamadooda joogaan Sool, isaga oo ka dhawaajiyay aysan marnaba is dhiibi doonin marnaba oo ay la dagaalamayaan, “Shacabkeygu waxay doorteen in ay dhintaa halkii ay gunimo kaga noolaan lahaayeen .. Garaadka ayaa ku goodiyey in Bixii iyo ciidamadiisa Diqsi oo kale ka dhigi-doonaan

Sido kale Garaadka guud ayaa yiri: Wada-hadalku waxa uu ku iman karaa oo kali ah haddii ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Sool, markaas ayaanu cafin karayna ama aarsan karayna, laakiin inta ciidan na dul joogo wax wada-hadal ah oo noo dhaxaynaya majiro

Isla markaa, waxa uu ka jawaabay garaadku hadal kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo uu ku sheegay in garaadadu ay wada-hadalka diideen.

“Kii soo duulay ee dadka guryihiisa ku dhex jiray ee duminayay ee dhiiga daadinayay, ayaa leh nabad-galyadii cid ayaa ku ciyaaraysa, waa nasiib daro nin aad kusoo duushay oo aad dadkiisii laynayso in aad hadana tadha wada-hadal kii ayuu diiday,” ayuu yiri Garaad Cali Garaad Jaamac

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xabad joojinta ay Somaliland ku andacooto ay ogolaanayaan haddii ay ciidamada Somaliland ku guurayaan waqti kooban, laakiin aysan ogoleyn wax xabad joojin oo kale oo dhex-marta.

“Majiro xad ay saxiixeen aabihii awowgii toona oo Somaliland leedahay, sida uu sheegay Muuse Biixi” ayuu hadalkiisa sii raaciiyay Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali.