Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Akhristow ILa Wadaag Hal-Ku-Dhegyo Iyo Xikmado Kala Duwan Oo Noloshaada Anfacda

Tuesday - May 9, 2023




Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaya Hal-ku-dhegyo iyo Xikmado kala duwan oo laga dhaxlay shakhsiyaad cabqriyaal ah dunida soo maray waqtiyada kala duwan, kuwaas oo aynu si gaar ah u soo qaadanayno inta laga yaabo in ay si uun u khusayn-karto qaybaha kala duwan ee nolosheenna maanta ee Ka faaidaysi wacan:

1- Kahor intadan dadka ixtiraamin naftada ixtiraam 

2: Noloshu caqabado kama marna, marka caqabada nolosha haku noqdaan fursado aad naftaada kor ugu qaado .. xiriirka Allah wanaaji, Aduunkana yuusan ku ilowsin Aakhiro 

3- Xaqa hadaadan ka shaqaynaynin Baadilka ha u sacabo Tumin waligaa

4:Amaantu yey ku hodin canaantuna yey ku dumin 

5:Nolosha Adduunka wax joogto ah ma jiraan xitaa intaa noolaneyno wey xadidantahay 

6- Bal hadal aan ku sheego waxaad tahay

7- Walwalku waa sida adigo bixinayaa dayn aan lagugu lahayn oo kale.

8:Wax waliba uma dhici doonaan sidaad qorsheysay ee sida Alle Rabo ayay u dhacayaan si kastood u dadaashid .. Alle Marwalba wuxuu kula doonayaa sida ugu fiican ee ha ka harin haday arrimuhu isugu kaa toosi waayeen waxa soo socda jidkii guushee, hana ka caajisin inaad isku dayga wado.

9- Ha isku dayyin inaad Rapigaaa ka careeysiiso adoo bini Adam raali Gali isleh 

10- Taagtaada Ka faa'idayso. Allana talo saaro. 

11- Sirta farxaddu waa in aad markasta male wanaagsan ka fisho kan noloshaada leh ee u qaybiya irsaaqada sida u doono 

12- Hantidaada ugu wayn waa wixii aad taqaano, halistaada ugu wayna waa wixii aadan aqoonin

13- Inaad kufto ceeb ma ah, balse waxaa ceeb ah Inaad dhulka sii jiifto. 

14- jirka Waxaa la siiya cunto maskaxdana xikmadaha

15– Qof kastaa waa waxa uu isu ekeysiiyo, sidaa awgeed ka taxaddar waxa aad isu ekeysiinayso 

16– Haddii aad doonayso in aad u heesto sida shimbiraha codka macaan, dan ha ka gelin dadka ku dhegeysanaya iyo waxa ay malaysan karaan. 

17– Marka aad caraysan tahay aamus. 

18– Inta aad nooshahay wax kasta waa suurtogal 

19 – Noloshu haddii ay Riyo weydo, waxa ay noqotaa sida Shimbir baalku ka go’ay. 

20 – Noloshu waa Is-bedello dabiici ah oo iyagu is wada, weligaa adigu ha ka hor iman; waayo is-hortaggaasi murugo ayuun buu dhalaa. Runta u ogoloow in ay run ahaato. 

21– Ogoloow in wax kastaa kugu dhacaan, samaan iyo xumaanba, laakiin yaanay kaa waabin in aad hore u sii socoto, adiga oo aan dareemayn in aad dhammaadkii joogto.