Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dabeecadaha Aadanaha Waxay Ka Tarjuman Qofka Wuxu Yahay .. Bismilaahiye Waxaa Jira Kuwaa Kheyrka Bogu ku Xanuuna .. Iyo Kuwa Jacel Iney Wax Maamulaan Oo Wax Haga

Thursday - May 11, 2023



Dabeecadda Aadanaha waa karti lagu muujinayo maskax ahaan iyo jir ahaanba iyo bulsho ahaanba .. Dabeecada waxaa lagu qeexi karaa "sida fecilada ama felcelinta qofka ee ka jawaabaya xaalad kicinta dibada ama gudaha" 

Shakhsiyadda qofka dabeecadda qofka waxay ka turjuntaa qofka wuxuu yahay,waxaan u la jeedaa qofka Bani-adamka ah waa la qiyaasi-karaa mar Haddi la barto shakhsiyadda qofka ama dabeecadda qofka .. Mar Hadii aan barano dabeecadda qofka ama shakhsiyadda qofka waxaa noo fududaa-naysa inaan saadaalino qofkaan wuxuu yahay .. In kastoo sifooyinka gaarka ah ee shakhsiyadda qofka dabeecadda iyo Hide-siddaha ayaa laga yabaa in lagu kala-duwanaado.

Dabeecadda qofka way is-badeshaa inta lagu guda jiro nolosha, yacnii laga bilaabo Bani-aadamku markuu dhasho ilaa qaan-gaarnimadda,oo waxaa inta badan aragnaa dad markay yaraayeen dabeecadoodo aysan fiicnayn oo markay way-naadeen dabeecadoodii isbedeshay .. Dabeecadda Bani-aadamku inta badan way is-bedeshaa.

Tusaalooyinka nooca shakhsi ahaaneed .. Inta badan tusaalooyinka aan kaga hadli doono qoraalkan waxay ku salaysnaan doonaan Daraasado horay loo sameeyey:

1- Waxaa jira shakhsiyaad Leh iney wax maamulaan nidaamsan, wax kontroola, wax haga isla markaana leh fikir macquul ah marka loo eego dareenka

2- Shakhsiyaad baa leh Faham sare, Caqli badan isla markaana soo jiidasho leh iyo hogaamin

3-Waxaa jira shakhsiyad wanaag-san, dheelli tiran, aad u dhawrsan, ka fogaada khilaafaadka, raadiya wanaagga qof kasta, gaar ahaan qoyskiisa iyo asxaabtiisa. Waxaa lagu tiriyaa gacan caawimo iyo garab ay ku tiirsadaan, waxay qayb ka yihiin xalka.

4- Shakhsiyaad baa jira iney dadka madadaaliyaan oo ka qosliya

5- Waxaa jira Shakhsiyaad akhlaaq sare leh, waxay ku dhaqmaan xeerar la dajiyay, aadna loogu kalsoon yahay oo akhlaaq u leh wax kasta oo ay la macaamilayaan.

6- Waxay jira shakhsiyaad leh dhexdhexaadnimo dhammaan ficiladooda waa dhegaystayaal wanaagsan, inkastoo ay u muuqdaan kuwo go'doon ah, waxay ku fiican yihiin falanqaynta xaaladaha iyo soo jeedinta xalalka.

7- Shakhsiyaad baa jira had iyo jeer ka warqaba wanaagga wada-jirka ah ee deegaankooda. Waa dad aad u fiirsasho leh oo waxay dareemayaan dhammaystir buuxa marka waxay caawiyaan kuwa kale. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa inay xitaa naftooda u dhigaan kaalinta labaad xagga daryeelka qof kale.

8- Shakhsiyaad baa jira leh  Charismatic, waxay leeyihiin hibada ereyada, waxay saameyn ku yeelan karaan kuwa kale xumaan iyo samaan. Way naxariis badan yihiin oo leh tamar wanaagsan, dabeecad dareen leh.

9- Shakhsiyaad baa jira dareen badan leh, waxaa dhiba xanuunka dadka kale waxayna rabaan inay wax ka qabtaan, badanaa si weyn. Sida caadiga ah waxaa ku aragnaa nooca dadka ka u dooda xuquuqul insaanka, waxaa dhaqaajiya dareen weyn oo bini'aadantinimo.

10- Shaqsiyaad baa jira basarku ka xumaaday, isla markaana ku bukooda wanaaga, beenta aan ka dhargin

11- Shakhsiyaad baa jira Dadka baacsada Uun, isla markaana  wixii kheyra Boga ku xanuuno

12- Dad baa jira Dadka burush ceeb la daba taagan