Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Masiibo Weyn .. Boqolaal Dhalinyaro Oo Badu Liqday .. Gaajo Ma Saarin, Shaqo La'aan Ma Eryin Ee Rajo La'aan Baa Badda Ku Kaxeysay

Monday - April 18, 2016




Qaahira- Baraha Bulshadu ku xariirto ayaa aad looga hadal hayaa Dhacdadii ka dhacday biyaha u dhaxeeya Masar & Talyaaniga markii ay dagtay dooni ay la socdeen in ka badan 470 qof oo badankoodu ka soo jeeday Soomaaliya, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey geerida in badan oo kamid ah dadkaas.

Wiilasha iyo hablaha somaaliyeed ee dhintay ayaa badankood ka soo haajiray gobolada somaliland, waxaana murugo iyo tiiraanyo badan laga dareemaya qooysaskii somaaliyeed ee ubadkoodi dam tiri
 
Intaaso dhallinyaro ah iyo kumanyaal ka horeysay Gaajo ma ay saarin, shaqo la'aana ma ay eryin ee rajo la'aan ayaa bada ku kaxeysay ..  Rajadu waa nolosha, oo Rajo La'aanta bay halaaga ugu bareereen.
Haddi aadan shaqo haysan rajo waad ku nagaan kartaa, haddise shaqo aad haysato oo aan rajo jirin way adagtahay inaad ku waarto .. rajo la'aan ayaa wax walba ka xun

Ha Tahariibna ee iska joog iyo hadalada kale ee caalwaaga ah xal ma aha ee waxaa si dhaba loogu baahanyahay in la keeno qorsho lagu nageyo ee looga saaro dhibka, lana is weydiiyo in diyaar loo yahay, waxaa loo baahanyahay Kacaan fikir iyo wax is-weydiin iyo iyadoo runta laga hadlo oo la ictirafo wixii khaladaad oo la galay