Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Akhbaarti Zamanki Hore Iyo Waayihi Saxaabada .. Ducadi Nabi Maxamed CS U Ku Ganay Abu-Sufyaan Oo Keentay Inu Islaam Ku Dambeeyo

Thursday - May 18, 2023





Maalin Maalamha ka mida ayaa Abuu-Jahal soo aaday guriga Nabi Muxamed CSW, kadib albaabki guriga ayuu garaacay waxa ka furtay albaabka faadumu Muhamed SCW oo markaa yareyd, waxa uu ku yiri Aabahaa mee? waxay tiri: ma joogo, markay sidaa ugu jawaabtay ayuu Abuu-jahal caro kula kufay gabadhi oo wax dhirbaaxo la yiraah ina Maxamed hoosta u galiyey wuuna isga tagay.

Dabadeed guriga hortiisa waxa soo maray Abu-sufiyaan oo marka ka mid ahaa Gaalada Quraysh Raga ugu waa wayn, wuxuu arkay faadumo muhamed CSW oo guriga hortiisa ku ooyneysa waxa uu ku yiri Adeer yaa ku dilay waxa aanay ku tiri: Abu-jahal.

Abu-sufiyaan wuu ka xanaaqay falkaas u ku sameeyey gabadhaas yar, isla markiiba gabadhi ayuu soo kaxeeyey oo suuqa kaga daba tagay Abu-jahal dabadeed Abu-jahal ayuu u qayliyay markii uu yimid ayuu ku yiri: faadumo ninkaan araxn-darada kugu sameeyey ka gooso wixii u kugu falay ..  Faadumo way ka goosatay.

Dabadeed Asxaabtii ayaa Rasuulka CSW ku wargalisay in maanta Abu-sufiyaan u gargaaray Rasuulka .. Rasuulki Maxamed CSW intuu gacmaha kor u taagay ayuu yiri: "ilaahayow Abu-Sufiyaan Wanaagiisa U Xasuusnaw" taasi waxay ka mid ahayd sababihii uu u soo islaamay Abu-Sufiyaan gaar ahaan maalinti la furtay Makka, wuxuuna ahaa waqtigaas madaxweynihi reer Qureesh wixii ka danbeeyey dagaalkii Badar. Wuxuu ka mid ahaa dadkii dhibay Rasuulka iyo asxaabtiisa intaanu islaamin ka hor .

Waxaa xusid mudan in Nabigii Ilaahay uu guursaday Umu Xabiiba oo uu dhalay Abu-Sufyaan kadibna noqotay hooyooyinka Mu’miniita ilaahay raali haka ahaadee .. iyadu waxay islaamtay goor hore waxayna u hijrootay dhulka Xabashida halkaas baana Saygeedii ku geeriyooday. 

Nabigii ilaahay ayaa soo doonay ayadoo joogta dhulka Xabashida waa geeska Afrika, waxaana u maheriyey boqorkii Xabashida ee waqtigaas Najaashi .. Abu-Sufyaana ayaa loo sheegay in Nabigu guursaday gabadha uu dhalay waxaanu yiri isagoo xilligaa Gaal ahaa; (Muhamed waa deeqsi aan cid u dhigantaa anay jirin).

Abu-Sufyaan ugu dambeyn magaalada Madiina ayuu ku geeriyooday sanadkii 31-aad ama 32-aad ee Hijriga isagoo cimrigiisu dhaafay Sagaashan Sano, waxa ku tukaday wiilka uu adeerka u ahaa ee Cismaan ibnu Cafaan oo xilligaa khaliif ahaa ilaahay raali haka ahaadee.