Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

War Iyo Warbixin .. Somaliland Halkee Bay Is-Goyskan Uga Gudbeysa

Saturday - May 20, 2023



Hargeysa -Waxay maanta Su'aasha hortaal shacabka Somaliland ay tahay xagii iyo jihadi ay uga kici-lahaayed meesha ay maanta taagan-yihiin ee is-goyska ah .. Ma waxay sii wadi-doonaan wadadi Goni-isutaaga ay jeexdeen ee la arkay Najiitadeedii mise waxay dib ugu noqon-doonaan jidki midnimada mise waxay door bidayaan ictiraaf la'aan iyo geeri go'an soo taagan, oo dunidu dhabarka u jeediso ?

Bulsha Weynta wax-garadka Somaliland aan qaarkood la kulmay waxay leeyihiin Haddii la doonayo inay sii jirto Somaliland waa in dib loogu noqdo Taladi dalka oo markale go'aan masiiri ah laga qaato, lana soo gebo-gobeeyo siyaasadii jabhad-nimada iyo Duriyada ee kala irdhaysay dadkii kale ee reer Somaliland, isla markaana saameysay siyaasadi dalka gaar ahaan ictiraaf raadinti lagu mashquulsanaa 32 Sano 

Waxgaradka siyaasiyiinta reerka Somaliland waxay qabaan iney muhim tahay in laga takhaluso siyaasadaa Santaaga Duriyada (Isaq chauvinism) taaso San-taagaas aanay ku heshiin karin dadka kale ee aan ahayen isaaqa, balse keeni karta burbur iyo baa’ba. 

Waa sida ay qabaane aqoon-yahanada reerka isaaqe qaarkood .. Uma baahna shacabka Somaliland in lagu mashquuliyo mushkiladihii dhacayey 40 iyo 50 sano ka hor laakiin waxay u baahan yihiin in Baahiyaha maanta ay qabaan la buuxiyo, oo Xal loo helo haday noqon lahayd kala-faquuqa, midnimo la'aanta, faqriga, Shaqo la’aanta, Sicir bararka, Waxbarshada iyo caafimaadka gacansiga noqday ee dadkii caadiga (common men) aanay Goyn-karin iyo Musuqa baahay ee dowladnimo iyo wixi la mida.