Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Kororso Aqoontaada .. Sidee Laga Yeelaya Caruurta Ku Dhalata Sinada .. Kan Reerka U Soo Dhacay Ee Gogol-Dhaafka Ku Sameeyey Xaas La Qabo Maxaa Laga Yeelaya ?

Monday - May 22, 2023




Qormadan waxaan ku falanqeynaya waxa uu Islaamka ka qabo ama ay Culimada Muslimiintu qaarkood ka yiraahdeen Nasab-siinta ilmaha Sinada ku dhasha .. Sinadu waa fal xun oo dhibaato iyo sharaf dhac ku ah geedi socodka Nolosha Aadanaha,wuxuuna caqabad iyo turunturo ku yahay Nasabadda iyo karaamada Insaanka, sidaa darteed ayuu islaamka u xarimay Sinada una diiday in loo dhowaado wax kasta oo suura galin kara inay dhacdo Galmo sharci daro ah.

Ilaahay wuxuu yiri:- "Ha u dhowaanina Sinada waayo waa foolxumo iyo waddo la qaado midda u xun"
Wuxuu kale oo Alle yiri:- "Mu'miniintu waa kuwo Alle mooyee aan cid kale caabudeynin, waana kuwa aan xaqdaro ku dilaynin Naftii Alle xarimay in la dilo, waana kuwo aan Sinaysanaynin, qofkii sidaa yeela dambi ayaa lagu oogi”.

Iyadoo uu sidaa Islaamku u xarimay Sinada iyo Gogol-dhaafku ayuu misana Sharci iyo Axkaam ka dajiyay sida laga yeelayo Carruurta ku calool-gasha ama ku dhalata Sinada.

Culimada islaamka Mid way isku raacsan-yihiin oo ah in haddii uu Canuga Sinada ku dhasho firaash iyo Nikaax Nin leeyahay asii uusan kii gogoshiisa loo soo dhacay iska diidin Canugaas xarigiisa ku dhashay, waxaa canugaasi loo xukumayaa kii uu nikaaxiisa ku dhashay .. ka Reerka u soo dhacay ee Gogol-dhaafka sameeyay waa la ceyrin ama isaga ayaaba dambi iyo daalac loo raacan, xitaa haddii ay dhab tahay inuu Canugaasi isaga dhalay waxba laga soo qaadi maayo oo sinnaba isaga loo haleeshiin maayo.

Midna way isku khilaafsan-yihiin Culimada oo waa midda ah haddii uusan Canuga sinada ku dhashay aysan hooyadii nin kale u dhixin isla markaana kii Canugga sinada ku dhalay uusan dafirsaneyn Canuga inuu isagu dhalay, kolkaas Culimada diidan waxay qabaan inuusan cunugaas abtiris lahayn maadaama uu Sino ku dhashay oo hooyadii kaliya loogu abtirinayo Aabana uusan lahayn xitaa kan dhalay ee sheeganaya aan loogu abtirin karin.

Waxayna arintan u daliishadaan isla Xadiiska ay u daliishadaan Canugga firaash nin leeyahay si sharci daro ah ugu dhasha "Sacad ibnu waqaas iyo Cabdu binu Samca ayaa isku qabsaday wiil, oo Sacad waxa uu yiri Rasuulkii Alloow kani waa wiilkii walaalkay Cutba isaga ayaa igala dardaarmay, fiiri sida uu ugu eg yahay .. Cabdu Binu Samcana wuxuu yiri kani waa walaalkey waxaa lagu dhalay gogoshii Aabahay .. Rasuulka scw wuxuu eegay wiilkii wuxuuna arkay sida uu ugu eg yahay Cutba, laakin Rasuulka scw wuxuu yiri: Cabdow wiilka adigaan kuu xukumay waayo Canuga gogoshii iyo ninkaaxii uu ku dhashay ayaa xaq u leh, saanigana dhagax ayuu leeyahay”.

Culimada ogol in Canuga sinada ku dhashay ee uusan diidaneyn kii dhalay waxay Xadiiskan oga jawaabeen in uu Xadiisku gaar ku yahay Ilmo firaash ku dhashay ee uusan iska diidin kii hayay Ninkaaxa Haweenta sinada looga dhalay, laakiin uusan khuseyn Xadiiska Canuga sinada looga dhalay Naag aan Nin kale u dhixin isla markaana uu sheeganayo Canuga kii ka dhalay.

Culimada qabta in Canuga gogol-dhaafka ku dhashay ee ay is ogol yihiin labadii iska dhalay waxay qabaan in ay isguursan karaan labadaas iska dhashay Canuga sinada ku calool galay oo ay Nasab Aabbe iyo Hooyo ahna siin karaan Cunugooda .. Alla Og.