Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xog Dhaba Iyo Xaqiiqo Sugan .. M/W Xasan Shiikh Oo Wixii U Qarsoonaa Rabi Ka Dhawaajiyey .. Calanki Buluuga Iyo Garaadadi Dhulbahante Waxay Raftaanba Dhooqadi Ku Dhaganeyd Iska Gooyey Oo Markaan Mog..

Wednesday - May 24, 2023



War Baa U Gaajo Badane .. Warar aan helay oo xogogaal-nimo ku fadhiya ayaa laygu yiri: Dawlada Fedaraalka ayaa maalmaha soo socda si rasimi ah u aqoonsan-doonto maamul halkaas iyo laascaanod looga dhawaaqi-doono .. Warka aan xigtay oo ilo muhiim ah ii Sir warantay, waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Shiikh u marki hore ka shakisnaa hab-dhaqanki kala Tafaraaruqa dhulbahante weligis taagnaa oo saameyn-karta dagaalka ay kula jiraan maamulka Somaliland, balse ka baqay inu beerka soo gashado wax aan la hubin, taaso ku kaliftay inu si tartiiba uga gaabsado illa ay arintu dhinac u dhaceyso.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhawr jeer saaxiibadiis su'aal weydiiyey in dhulbahante la isku haleyn-karo iyo in kale, taas daraadeed marku maskaxdiisa rog-rogay wuxuu door biday inu illa waqti sugo illa ay si wax u kala cadaanayaan oo arintu dhinac u dhaceyso, laakiin hadda waxaa la tilmaamaya in waqtigaan runti timi oo uu hubsaday guusha Dhulbahaante, isla markaana aysan joogin meel ay ka soo noqon-karaan .. Xasan oo iminka aad moodo inu ku baraarugay wacdarada ay dhigayaan Hartiga ayaa laga sheegay inu yiri: Waxaa muuqata in Somaliland ay ka jiifsatay oo surin walba ka soo xirmay balse dhulbahante maanta cashar wacan dhigaay ayna socon-weyday ku tala galki la is lahaa dhulbahante cirbaha ha la jaro,

Sida la ii cadeeyey amase si faqa laygu sheegay .. Xasan wuxuu xafiiskiisa ugu yeeray wasiirka isgaarsiinta dawlada Fedaraalka oo beel ahaan ka soo jeeda ikhyaarta reerka Dhulbahante, wuxuuna halkaas dhambaal si xil-qarsi ah ku siiyey amaro iyo fariimo salaan iyo duco aan gureyn, hambalyo iyo ixtiraam walaalo wanaag lala rabo loo gudbinaayo Golaha Garaadada Dhulbahante loona sheegay in dawlada ay hiil iyo hooba markasta la garab taagan-tahay, isla markaana kaga Af-celiyey in xam-xamta iyo Af la boodada waalan iyo hadal-haynta suuqa ee Fedaraalka wax looga sheegaayo jiritaan-kooda la iska hubsado , sido kale wuxuu yiri Fedaarlku wuxuu doonaaya meel-marinta in SSC maamul sameystaan oo halkaas ay si toosa ku heli-doonaan karaameyn iyo xuquuqdi ay ku lahaayeen dawlada Dhexe .. Hadalna waa kan dambeeya iyo la kulanka Garaadada ayuu warkiisi fariinta ku soo xiray 

Dhinaca kale waxaa la ii sheegay in ergeygi wasiirka Isgaarsiinta u fariinti gaarsiiyey garaadada, isla markaana u cadeeyey ineysan jirin wax hoos-galin ah halkaasna ay ku aqbaleen salaanti iyo fariinti madaxweyne ee la soo gaarsiiyey.