Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 May 2023

Taariikh Qarsooneyd Banaanka Ma Keenay .. Saxafi Khalifa Sudaani Iyo Siyaad Bare Maxay Isu Qireen?

Thursday - May 25, 2023




Bismilaahi Al-Ramaan -- Qiyaasti markay Sanadku ahaa 1992-1993, goobta ahayed Lagos caasimada Najeriya waxaa Siyaad Bare booqasho ugu yimid nin Saxafi ahaa oo la oran jiray Khalifa Sudani, isla markaana ahaa Tafaftiraha Wargeyski la oran jiray" Sharq al-Awsat" xaruntiisa ahayed magalada london, hasa ahaate milkiilihiisu ahaa Taajir Sacuudi ah.

Saxafi Khalifa Sudaani oo halkaas iyo gurigi u ku noolaa Siyaad Bare kula kulmay, salaan la is dhaafsaday kadib Mr. Khalifa oo hadalki qatay ayaa yiri: Mudane Madaxweyne Siyaad Bare, anigoo waqtiga ku dhawraya,waxaan isku dayaya inaan su'aal tiro badan kaa saaro, balse aan rabo inaan ku weydiiyo illa Lix su'aalood kaliya ee ii ogolow .. Siyaad Bare oo markiiba jawaab siiyey Haa iyo Maya intusan oran midkood wuxuu yiri: Aniga Ma ahi madaxweyne, horana uma ahayen ee waxaan ahaa Askari waardiya ka hayey Xabsi Weyn ay dad waalan ku jireen, kuwaaso marki dambe iyaga iyo sharkoodi wata xabsigi ooda soo jabsaday 

Suxufi Digtoor Khalifa oo ahaa suxufi caalami ah una xil-saarnaa-jiray odoroska xukumadaha iyo shucuubta Bariga dhaxe soona arkay Waves-ki is-dooxa, is-barakicinti, Rasaas duuleysa iyo is-Cunki dagaalki sokeeye ee Mogdisho, halkaaso marar badan isaga laftiisa Rasaas aan ujeeda lahayen lagu maansheeyey ayaa intu Qosol gawska muuqdo dhoola cadeeyey yiri: Siyaad Barow warkaaga markaan tarjumo guud ka baxsho wixii su'aal aan qabay dib ayaan ula noqday, oo su'aal aan ku weydiinaayo ma jirto ee raali iga ahawo, balse wax iga daahsanaa ayaan warkaaga ka ogaaday, waayo ayuu yiri dadka aan mogdisho ku soo arkay jawaabtoodi adigaa-ba ii siiyey ee Siyaad Barow waa cajabe, waxaan soo arkay Dad Waalan oo kala tuur mooye wax dhisba loo dhigin, waxaan soo arkay dad jidbeysan oo isku Waasteynaya dil wax-shinimo ah iyo dhac, balse xitaa isugu faanaya " Bal Ana i Day Sidaan Wax U Gawracayo" mana ay oga sababta ay wax u dilayaan, waxaase la yaaba ayuu yiri Talada waxaa isku haysta waa Mici ku dhiig-layaal horor ah wada Waalan, oo dalki kuma harin wax aqoon iyo garasho loo daba-fariisto .. Waxaan soo arkay ayuu yiri Anshax-xumo dhamaanteed, oo koleyba dadkaan soo arkay Gunimo iney ku dambeynayaan waa la hubaa Geeri joogta ahna waa u halis ee Allow sahal amuuraha somaliya .. intaas waxaa ka sii daran ayuu yiri: Somaliya Oo Sakaraadeysa cid gunaanadana aan haysan  

Kadib Mr Khalifa Sudani oo ka soo laabtay dalka Nijeeriya Dad uu u waramay ayaa laga xigtay inu yiri: Odaga Siyaad  Bare waxaan Waagi hore ka Taagnaa mawqif ah inu yahay xaakim kali-taliya daalimiinta ka mid ahaa, oo dalka ku xukumi jiray kolba sida u doono, waxaana markasta si bareer ah la doonan jiray burush ceeba, laakiin isaga kadib waxaan soo arkay Ummad aan dilka u kala eegeyn Hooyo, Caruur iyo Waayeel-toona .. Saxafi Khalifa Sudaani ayaa hadalkiisi ku soo xiray: Siyaad Bare wuxuu ahaa Rasuul " Ergey" u soo daahiray dadkiisa iyo dalkiisa Anfacay oo la garn-waayey, isla markaana u ahaa Libaax weliba ka sii libaaxsanaa madax badan oo afrika ka talineysay ee Alle ha siiyo Caafimaad ifka ah, Aakhirana ha ka hayo cadaab .. Somaliyana ibtilada lagu abuuray Hurinta Colaadeed, Xanuunka Waalida iyo Camalka Sheydaan Allaha Ka Badbaadiyo